Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maahir Jaamac Aadan, ayaa soo bandhigay arin la yaab leh oo uu ku soo arkay mid kamid ah Wasaaradaha Xukuumada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.
Maahir waxa uu sheegay ineysan jirin wax shaqa ah oo ka socda Wasaaradaha dowladda, iyadoo Wasiirku badanaa aan iman shaqada, halka shaqaalahana ay yihiin kuwo ay yartahay soo xaadiritaankooda, waxaana meesha isaga baxday hadalkii ahaa RW Khayre ee shaqaalaha waa lagula xisaabtamayaa saacadaha soo xaadiritaanka shaqada.
Qoraalka Maahir Jaamac oo uu Facebookiisa soo dhigay waxa uu u qornaa sidan:
#MASUULIYADDA!
Mid ka mid ah xafiisyada wasaaradaha dowladda ayaan tegay goor barqo ah, waxaa joogay kali ah labo gabdhood oo nafaadda qaabilsan iyo nin ii sheegay inuu ka mid yahay shaqaalaha wasaaradda, cidlada xafiiska markaan la yaabay ayaan su’aalay, “Aaway dadkii halkan ka shaqeynayay?”, wuxuu ku jawaabay sedexdeena baa hadda joogna! (Asaga iyo gabdhaha Nadaafadda).
Waxaan xasuustay in waa’ ay dowladda nagu tiri shaqaalaha wakhtiga ayaan kula xisaabtamaynaa, laakiin ninkaa aan la kulmay wuxuu igu yiri arinkaas 3 bilood un buu socday!, wasiirka todobaadkii labo ama seddex marka uu dadaalo ayuu imanayaa xafiiska, Agaasimaha guud waa maalin dhaaf imaashihiisa, shaqaaluhuna waaba iska danaystaan!.
Waxbadan ayaan is weydiin jiray, shaqaalaha dowladda hadda waxay helaan mushaharkooda waliba way ka mushahar badanyihiin shaqaalaha shirkadaha gaarka ah ee dalka, hadaba maxaa kalifa in tayada shaqo ee xafiisyada dowladda ka liitaan kuwa gaarka ah, maxay xafiisyada gaarka ah uga muuqaal wacanyihin kuwa dowladda xitaa haddii mushaharka la bixinayo?, tayo ahaan shaqaalaha gaarka ah way ka horeeyaan kuwa dowliga ah, sabab?, laakiin waxaan ogaaday jawaabtu inay tahay la xisaabtanka!.
Intaan xafiiska fadhiyay abaare 12:15PM ayaa waxaa soo galay Agaasimihii guud oo ay nasiino fiican ka muuqato, wuu degdegsanaa wuxuuna hadal ka billaabay ” Aaway hebel, u yeera, fiiriya wafdi UN ah ayaa galabta na soo booqanaya ee daara oo kiciya dhamaan Computerska, fiiri dust baa haysta laptobkeyga ee kii lagu buufinayay keena”! Markaas waxaa xafiiskii is qabsaday habaas oo qalabkii sida bakhaaro iyo miisas isaga dul yaaleen bay habaas ka dhargeen!.
Anna sanboorka wan isaga soo cararay ayadoo aanan gaarin ujeedada aan u tegay halkaas!.
Marka ay madaxda sare imanayaan xafiisyada wasaaradaha qaar, ama wafdi UN ah soo booqanayaan waa xafiisyo shaqeeya lakiin booqashada ka dib waa lama degaan aan shaqo oolin badi, waxaase amaan mudan marwalba shaqadooda si daacad ah u qabsada gabdhaha Nadaafadda qaabilsan oo maalina aan baaqan, illaa 4-5 xafiis dowli ah aan booqday waxaan arkayay gabdho u daacad ah shaqadooda!.
Intaas aan ku hakiyo qoraalka si aanan xafiisyada ii dhiman la iga xidhan irdaha….!