Dhageyso: Gudooomiyaha gobolka bari oo sheegay inuu dhimasho uga badbaaday wax ka yar laba Ilbiriqsi.

Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo), ayaa ka hadlay isku day dil ahaa oo uu kaga badbaadayy magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulka Puntland.

Dhedo oo wareysi siiyay Warbaahinta gudaha ee maamulka Puntland, ayaa sheegay in qaraxa shalay loo dhigay gaarigiisa, waxaana uu dhacay laba ilbiriqsi kadib markii uu ka dagay gaariga oo uu markii hore ka soo raacay Xarunta gobolka.

Qaraxa waxaa ku geeriyooday hal askari halka ay ku dhaawacmeen Afar askari oo kale, iyadoo laba kamid ah xaaladooda laga deyrinayo.

Marka gaariga oo ahaa noociisu HILUX uu qaraxa qabsanayay waxa uu sii waday Odayaal la shirtay Gudoomiyaha, isagoo wadihiisa qaaska ah faray in Odayaasha uu geeyo masaajidka Rowda ee ku yaala magaalada Boosaaso.

Shacabka, ayuu ugu danbeyn ka dalbaday iney kala shaqeeyaan sugida amniga, si looga hortago falalka amni darro ee Kooxaha Shabaab iyo Daacish ka geystaan xaafadaha magaalada Boosaaso.

Halkan Hoose ka dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha gobolka Bari: