Maxkamada Boosaaso oo xukuno xabsi iyo lacaga ah ku riday rag dadka sixri jiray.

Maxkamada darajada koowaad ee magaalada Boosaaso ayaa manata xukuno kala duwan ku riday Saddex nin oo lagu cadeeyay danbi ah iney dadka ku sxiri jireen gobolka Bari, kuwaasoo kamid ahaa barakacayaasha magaalada Boosaaso.

Gudoomiyaha maxkamada Abuubakar Cabdinuur Jaamac, ayaa sheegay in maxkamada ay ka soo muuqdeen Lix nin oo loo heysto eedeymo ku saabsan iney dadka sixri jireen, iyadoo maxkamada ay sii deysay Saddex ruux oo cadeymo lagu waayay, waxaana la xukumay Saddexda qof ee kale, kuwaasoo maxkamada la keenay Kitaabo ay adeegsan jiree, si ay dadka u sixraan.

Xukunada lagu riday saddexda qof ee danbiyadooda la cadeeyay waxa ay kala noqdeen:

Macalin Cali Axmed Daa’uud, waxaa lagu xukumay lix bilood oo xarig ah iyo 500 dollar oo ganaax lacageed ah.

Isaaq Cali Isaaq Waxaa lagu xukumay muddo saddex sano oo xarig ah iyo bixinta kun dollar.

Cali Maxamed Xasan isaguna waxaa lagu xukumay todoba sano oo oo xarig ah iyo bixinta lacag gaareysa laba kun doolar oo ganaax ah, waxaana lacagaha iyo xabsiyada loogu kala badiyay sida ay u kala culus yihiin danbiyada lagu soo oogay.

Si kastaba, qareenada difaacaya Raggan ayaa durba racfaan ka qaatay Xukunka, kadib markii ay sheegeen ineysan ku qancin go’aanka maxkamada soo saartay.

Sixirka oo qaar kamida degaanada Soomaalida laga adeegsado ayaa ah ficilo sheydaan kaasi oo aysan raali ka ahayn Diinta suuban ee Islaamka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed.