Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in barqanimadii maanta uu qarax xooggan ka dhacay wadada Maka Al-Mukarana, kaasoo jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa miinada Nooca Dhejiska ayaa gaarigiisa loogu xiray Sarkaal katirsan Ciidanka Booliska, kaasoo magaciisa wali Warbaahinta aysan ogaanin, waxaana ka soo gaaray dhaawac daran iyadoo loola cararay xarumaha Caafimaadka.
Ciidamada Amaanka ee degmooyinka Waaberi iyo Hodan ayaa tagay halka qaraxa uu ka dhacay oo ku dhow Hoteelka Mubaarak, waxeyna halkaasi ka sameeyeen howlgallo baaritaano, walow aysan ka dhalan wax Natiijo ah.
Wadada qaraxa uu ka dhacay oo ah mida ugu mashquulka badan Caasimada, ayaa dib loogu furay Isticmaalka gaadiidka oo la xiray intii ay Ciidamada amaanka baaritaanada wadeen.
Si kastaba, todobaadkan magaalada Muqdisho waxaa joogto ka noqday qaraxyada shaqsiyaadka baabuurta loogu xiro, iyadoo aysan jirin maalin aysan qarax ka dhicin magaalada Muqdisho.