Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Masar, halkaas oo uu ka furmi doono shir deg-deg ah oo ay yeelanayaan Madaxda Midowga Afrika.
Shirkan ayaa lagaga arrinsanayaa xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalkaas.
Madaxweyne Farmaajo, waxaa soo dhaweyn u sameeyay mas’uuliyiin ka tirsan Xukumada Qaahira, iyadoo loo galbiyay halka loo diyaariyay in la dajiyo wafdiga ka socda Soomaaliya.
Aroornimada Saaka ah madaxweyne Farmaajo waxa uu la kulmayaa dhiggiisa Masar C/Fitaax Al-Siisii, lamana oga waxa kulankooda uu daaranyahay, waxeysa u badan tahay mid salka ku heyso Iskaashi ay sameystaan labada wadan.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Qaahira uga sii horeeyay wafdiga madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in xubnaha kale ee shirka ka qeybgalaya ay qeyb ka yihiin madaxweynayaasha dalalka Rwanda iyo South Afrika.