Shir looga hadlayo dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu qabtay dalka Itoobiya.

Magaalada Adis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya waxaa ka furmay Shir u dhexeeya hay’ada Lacagta Dunida IMF iyo Dowladda Soomaaliya, kaasoo diirada lagu saarayo dhaqaalaha Soomaaliya.

Shirka waxaa diirada lagu saarayaa Saddex qodob oo muhiim ah kuwaasoo kala ah horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, dhameystirka hanaanka deyn cafinta iyo ka wada tashiga hiigsiga sanadaha soo socda.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdi raxmaab Ducaale Beyle oo hoggaaminaya xubnaha dowladda uga qeybgalaya shirka, ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya ay hada taagantahay meel Aduunku wada ogyahay oo ah in dhabihii guusha Xukuumada Soomaaliya ku socoto.

Saraakiil ka tirsan Wasaarada Maaliyada Soomaaliya, ayaa sheegay in sababta keentay in Adis Ababa lagu qabto shirkan ay tahay dalab ka yimid xubnaha beesha Caalamka, iyagoo ka caga jiiday inuu shirka ka dhoco Muqdisho.

IMF ayaa shirar dhowr ah u qabatay Wasaarada Maaliyada mas’uuliyiinteeda, waxaana intooda badan diirada lagu saaraa sidii deymaha looga cafin lahaa dalka, iyadoo Xukuumada ka gudubtay dhowr qaab oo loo soo bandhigay si deymaha looga Cafiyo.

Si kastaba, Soomaaliya waxaa deyn ahaan loogu leeyahay $ 4.6 Bilyan, iyadoo wadamada ku leh ay ugu horeeyaan Mareykanka, Talyaaniga, Faransiiska iyo hay’adaha kala ah Bankiga Aduunka iyo hay’ada lacagta Dunida ee IMF