Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Hoggaamiyayaal Xisbi oo qodobo ka dhan ah Villa Somaliya soo saaray.

Magaalada Nairobi waxaa lagu soo gabagabeeyay shir u socday Xildhibaano, SIyaasiyiin iyo Hoggaanka Xisbiyada mucaaradka ah, kaasoo laga soo saaray War-Muriyeed ay ku cad yihiin qodobadii ka soo abxay.

Dhinacyada shirtay ayaa ka digtay iney mudo kordhin sameysato Villa Somaliya, iyagoo dhinaca kale isla qaatay shir weyne qaran bisha 6-aad lagu qabto magaalada Muqdisho, kaasoo looga tashanayo aayaha danbe ee dalkan.

Xubnaha shirka ku yeeshay Hotelka Pan Afrika, ayaa sidoo kale isla qiray in amniga dalka gaar ahaan Muqdisho uu faraha ka baxay, iyadoo aan muuqan wax talaabo ah oo ay qaadeyso Xukuumada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Waxa ay sidoo kale daboolka ka qaadeen in weeraradii laga sugayay in dowladda ku qaado Shabaab ay u soo weecisay Siyaasiyiinta iyo dadka kale ee iyada ka aragtida duwan.

Si kastaba, Shirkan waxaa soo qaban qaabiyay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Maxamed Cabdi Gaandi, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame, Hoggaamiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa, Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdinuur, Taliyihii hore ee NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Ameerika iyo xubno kale.

AQRISO WAR-MURTIYEEDKA OO DHAMEYSTIRAN:

Image may contain: textImage may contain: text