AQRISO: Puntland oo xiriirkii u jartay Dowladda Soomaaliya.

Maamul goboleedka Puntland, ayaa ku dhawaaqay inuu gabi ahaanba xiriirkii wada shaqeyneed uu u jaray dowladda Soomaaliya, isagoo ku sababeeyay talaabadan mid ay uga jawaabayaan balamo looga baxay.

War Saxaafadeed dheer oo ku qorna Afka Ingiriiska oo ay Puntland u dirtay Beesha Caalamka iyo wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ayey ku sheegtay in dhinacyada uu saameynayo talaabadan ay qeyb ka tahay dib u-eegista Dastuurka, qorshaha amniga Qaranka iyo hannaanka doorashooyinka dalka ee 2020/2021.

Puntland, waxa ay sidoo kale sheegtay ineysan aqoonsaneyn dhamaab sharciyadii u danbeeyay ee Baarlamaanka meel mariyeen, kuwaasoo kala ah Sharciga doorashooyinka , sharciga shidaalka iyo xeerka canshuuraha dalka oo ay sheegtay in aan lagala tashan.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa qoraalkan looga dalbaday iney ku dhaqanto Dastuurka oo ay ilaaliso heshiisyadii hore ay ula gashay maamul goboleedyada, si Wadajir ahna looga shaqeeyo sidii dalkan loo horumarin lahaa.

Qoraalka Puntland oo dheer ayaa sidoo kale looga sheekeeyay sababaha keenay shirkii fashilmay ee Garoowe, kaasoo uu shir Gudoominayay madaxweyne Farmaajo, waxaana sabab kasta oo keentay fashilkaas mas’uuliyadeeda dusha loogu saariyay Dfs.

Ugu danbeyn, maamulka Puntland ayaa ugu baaqay maamul goboleedyada iney sameystaan isbaheysi ka dhan ah Villa Somaliya, ayna ka tashadaan sidii dalkan loo samata bixin lahaa.