Booliska oo Muqdisho ku dilay qof Shacab ah iyo Burcad dhac geysanayay.

Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay magaalada Muqdisho ku dilay laba qof oo midi yahay Burcad hubeysnaa, halka ruuxa kalena uu ahaa qof rayidka ah oo deegaanka degan.

Ciidamo boolis ah ayaa xalay howlgal ka sameeyay Waaxda Taleex ee degmada Hodan, halkaasoo lagu soo sheegay iney joogeen laba qof oo hubeysan, kuwaasoo dadka dhac u geysanaya, iyadoo Ciidamada ay howlgalka ku dileen Nin burcad ah iyo qof Shacab ah.

Taliye Kuixgeenka Ciidanka booliska Soomaaliya Jen Zakiya Xuseen Axmed oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka waxa ay ku sheegtay inuu qofka kale ee hubeysnaa uu gacanta laamaha amaanka ka baxsaday.

“Ciidanka Booliska ayaa caawa howlgal ka fuliyay Rugta Qudaarta oo ku taal waaxda Taleex ee Degmada Hodan kadib marka ay shacabka ku soo wargeliyeen in labo nin oo burcad ah oo hubeysan goobtaas shacabka ku dhacayay, mid ka mid ah burcadka ayaa goobta lagu toogtay halka midka kalena uu baxsady, waxaa hawlgalka ku dhaawacmay sarkaalka Booliska rugta xukumay, sidoo kalena ku dhintay hal qof shacab ah”. ayay tiri Gen. Zakiya.

Booliska ma sheegin hadii uu jiro khasaare dhankooda ka soo gaaray howgalka, waxaana Ciidamo la dajiyay aagga waaxda Taleex ee degmada Hodan oo ay ku soo noq noqatay cabashada Shacabka.