Ciidmaada dowladda iyo Shabaab oo dagaalkii ugu xoogganaa ku dhex marayo duleedka Garbahaareey

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Itoobiya, ayaa maanta weerar saf balaaran leh ku qaaday deegaano ay Shabaab ka joogaan gobolka Gedo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in deegaanada Maykaareebey iyo  Iimey oo Qiyaastii 20 Km dhinaca Waqooyi kaga toosan Degmada Garbahaarey Ee Xarunta Gobolka Gedo uu dagaalka xoogiisa ka dhacay.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka, ayaa Warbaahinta Xaldoon.Net u sheegay in Shabaab ay ka saareen deegaano dhowr ah, isla mar ahaantaasina ay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen, sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen saanad Milatari oo ay Shabaabka isaga carareen.

Saraakiisha waxa ay sidoo kale sheegeen in weerarka uu ahaa ka hortag ay sameyanyeen, maadaama ay ogaadeen in deegaanadaas laga soo abaabulayo weerar xooggan oo ay Shabaab ku doonayeen iney ku soo galaan magaalada Garbaareey.

Shabaab ayaa wali isku dayaya iney dib gacanta ugu dhiggaan deeganaada laga saaray ee dhaca Waqooyiga magaalada Garbahaareey, halkaas oo u eheyd meel Istiraatiiji u ah Kooxdan gabalkeedu sii dhacayo.

Shabaab oo si kooban uga hadlay weerarkan waxa ay ku sheegteen in dagaalka ay ku soo qaadeen Ciidamada isbaheysnaayay ay ku dileen Saddex ka tirsan Ciidamada maamulka Jubaland, sidaas waxa ay ku faafiyeen baraha Internetka oo ay wararkooda ku qortaan.