Dhageyso: Madaxweynaha Jubaland oo ku jees jeesay Afhayeenkiisii hore C/Naasir Seeraar.

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, ayaa ka hadlay tacshiiradii Khamiistii ka dhex dhacday gudaha garoonka diyaaradaha Seyd Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo, taasoo ka dhalatay baaris la doonayay in lagu sameeyo musharax C/Naasir Seeraar Maax.

Axmed Madoobe oo Suxufiyiinta la hadlayay waxa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Seeraar oo kamid ahaa aasaasayaashii maamulka Jubaland uu haatan ku mashquulsan yahay duminta maamulka, iyadoo laga soo dirsaday magaalada Muqdisho.

“Aad baan uga xumahay Saaxiibkeey Seeraar oo Ugaaskii Afhayeenka ahaa in inta loo yeero uu meel tago inuu isaga xabad garoonka dhexdiisa uga rido, aad baan uga xumahay wax sah ahna maaha” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxa uu dhinaca kale fariin u diray Shacabka ku dhaqan deegaanada Jubaland, isagoo dib u soo xusuusiyay halka Jubaland laga keenay iyo meesha ay xiligan taagan tahay, wuxuuna Carabka ku balaariyay iney yihiin maamulka 2-aad ee dalka ka jiro, horumarna tiigsanaya marka laga yimaado Puntland.

Si kastaba, Ciidamada amaanka ee Kismaayo, ayaa Seeraar Khamiistii ku amray inuu furo boorsooyin uu watay, xili uu ka tagay magaalada Muqdsho, iyagoo tuhunsanaa iney ka buuxaan lacago ay Villa Somaliya soo siisay, si uu khalkhal u galiyo amniga Kismaayo, balse Afhayeenkii hore ee Axmed Madoobe ayaa iska diiday amarka laamaha amaanka, wuxuuna ku hanjabay inuu tooganayo cidii u soo dhawaata.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka Axmed Madoobe: