Dhageyso: Xaliimo Yareey oo kala hadashay sidii Wasiir Goodax Barre.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, ayaa todobaadkan kaliya sheegtay laba hadal oo iska hor imanaya, taasoo sharaf dhac ku keeneysa Shaqada ay Bulshada u heyso.

Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliim Yarey Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ayaa 19-kii bishaan xili ay hortagtay Golaha Aqalka sare waxa ay sheegtay in ay dhib ku qabaan xarunta ay ku shaqeeyaan oo Madaxtooyada ku taalla, maadaama aysan joogto ula kulmi karin Xisbiyada iyo qaybaha bulshada.

Xiligaas Xaliimo Yarey waxa ay sheegtay in ammaanka goobta ay ku shaqeeyaan uu sugan yahay, balse aanu suurtagal ahayn in marwaliba iyo waqti waliba ay qaabilaan Hoggaanka Xisbiyada oo lagu adkeeyo soo gelista Xaruntooda.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayay ka dalbatay in ay u qorsheeyaan meel ay degaan oo ay ku shaqeeyaan, si ay u qaabilaan Xisbiyada iyo shaqsiyaadka ay la kulmayaan, sidoo kalena la heer ah Amniga Madaxtooyada.

Gudoomiye Xaliimo yarey oo warbaahinta la hadashay Talaadadii shalay waxa ay  Saxaafada madaxa banaan ugu hanjabtay in ay dacweyn doonaan, sababo la xiriira warar been abuur ah oo ay ka sheegeen.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in kaliya ay dalbatay Xarun ay ku dhammeystiran yihiin agabyada ay u baahan yihiin, balse waxa ay iska fogeysay in ay sheegtay caqabadihii ay horay u sheegtay ee ahaa in aysan u sahlaneen la kulmidda Xisbiyada iyo Ururada Bulshada.

Guddiga doorashooyinka Madaxa banaan ayaa horay ugu fashilmay Doorasho qof iyo cod ah oo ay qabtaan 2016-kii, waxaana ay markale ay sheegayaan in ay qabanayaan Doorasho dadweyne 2021-ka, inkastoo aysan jirin diiwaangelinta dadka kahor waqtiga Doorashada oo ay sameeyeen guddiga.