Faysal Cali Waraabe ” Qofka Calanka Somaliya ku wata Deeganada Somaliland iyo kan Diinta kirishtaanka faafinaya waa isku mid”

Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa si kulul uga hadlay Wiil dhalinyaro ahaa oo shalay lagu xiray magaalada Hargeysa, kaasoo watay dhar u midab eg Calanka Soomaaliya.

Waraabe waxa uu sheegay in Ciidamada amaanka ee Somaliland ay ku saxan yihiin talaabada ay qaadeen, isagoo faray iney cadaalada horgeeyaan Wiilka xiran iyo cid kasta oo ku xad gudubta wax uu ku sheegay Qaranimadooda.

Faysal Cali Waraabe waxa uu is bar bar dhigay qofka Calanka Soomaaliya ku dhex sita deegaanada uu maamulka Somaliland ka arrimiyo iyo qofka diinta Kirishtaanka faafinaya, wuxuuna si cad u sheegay in labadaasi ruux ineysan waxba isu dhaamin.

Si kastaba, hadalka ka soo yeeray Gudoomiyaha Xisbiga UCID ayaa si aad ah loogu hadal hayaa baraha bulshada, iyadoo su’aalo la iska weydiinayo taam ahaanshaha Caafimaadka Waraabe.