Saraakiil sar sare oo Shabaab ah oo lagu beegsaday duqeyno xalay ka dhacay Jubbada Dhexe.

Diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha leheyn ayaa xalay Saraakiil sar sare oo Shabaab ah ku beegsaday laba weerar oo dhinaca Cirka ah, kuwaasoo ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe.

Weerarka 1-aad oo ka dhacay magaalada Jilib, waxaa lagu beegsaday Sarkaal magaciisa lagu koobay Maxamed, kaasoo Sirdoonka Mareykanka ay aad u doon doonayeen, iyadoo hore madixiisa la dul dhigay lacag $3 Milyan ah.

Dad ku sugan deegaanka weerarka uu ka dhacay ayaa soo sheegay in xalay dhan ay ka seexan waayeen guuxa diyaaradaha, iyadoo markii danbena ay ka war heleen jugta gantaalo cul culus oo diyaarado ay rideysay, iyadoo shacabka ay cabsi xooggan soo wajahday.

Ninka Jilib lagu beegsaday waxa uu ahaa qofka ugu dhow Hoggaamiyaha ugu sareeya ee Al-Shabaab Axmed Abuu Cubeyd, kaasoo haatan ku xanuunsan qeybo kamid ah Jubbada Dhexe.

Weerarka 2-aad oo isna dhacay xiligii Suxuurta waxaa lagu beegsaday Sarkaal kale oo Shabaab ah waxaana lagu magacaabaa C/Nuur Xuseen, isagoo Shabaab u qaabilsanaa xiliyadii danbe diyaarinta qorshayaasha lagu howlgallo.

Weerarka danbe oo Jamaame ka dhacay ninka lagu beegsdaay waxa uu kamid ah Saraakiil Shabaab ah oo hore uga badbaaday weerarkii lagu dilay hoggaamiyihii hore ee Shabaab Axmed Godane ee ka dhacay gobolka Sh.Hoose, isagoo kamid ahaa gacan yarayaashii Godane.