Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Karaash oo safar qarsoodi ahaa ku tagay deegaanka Af-Urur.

Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cisaan Karaash iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ku gaaray deegaanka Af-urur ee gobolka Bari, halkaas oo Ciidamada Puntland shalay Shabaab dib uga qabsadeen.

Image may contain: 11 people, people smiling, people standing and outdoor

Socdaalkan oo u jeedkiisu ahaa u kuurgal xaaladda deegaanka waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinaayey xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, Guddoomiyaha gobolka Bari Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Image may contain: 7 people, people smiling, people sitting

Kusimaha Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa markii ay gaareen Af-urur waxaa soo dhawayn ballaaran ku qaabilay qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, kuwaas oo shucuur wanaagsan laga dheehanayo wejiyadooda iyo Jaceylka ay u qabaan Madaxdooda.

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing and outdoor

Madaxweynaha Ku-xigeenka oo la hadlay dadweynaha deegaanka Af-urur ayaa uga mahadnaqay soo dhoweyn ballaaran oo ay u sameeyeen, waxaa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay socdaalkiisii ugu horeeyey inuu deegaankan ku soo gaaro oo muhiim u ah Puntland.

Image may contain: 8 people, people smiling, people standing and outdoor

Sidoo kale Madaxweyne Karaash waxaa uu kulan gaar ah la qaatay dadka deegaanka, waxay uga warbixiyeen baahiyaha degaanka ee u baahan wax ka qabashada, iyagoo Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashadiisa.

Image may contain: 11 people, people smiling, people standing, crowd and outdoor

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenma Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ballan-qaaday in si deg deg ah looga howl gelidoono baahiyaha ka jira deegaanka ee ay soo gudbiyeen, waxaana uu bulshada Af-urur kula dar-daarmay inay qayb ka noqdaan horumarka deegaanka, isla markaana ay si buuxda ula shaqeeyaan ciidmada Ammaanka.

Image may contain: sky, tree, outdoor and nature