Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa goordhow ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdihso, isagoo ku sii jeeda magaalada Dhuusa-Mareeb oo ah caasimada Galmudug.
Xasan Cali Khayre ayaa la sheegay inuu magaalada u tagayo dar dar gelinta arrimaha doorashooyinka oo Xukuumadiisa iclaamisay iney qabsoomeyso bisha socoto AFarteeda.
Ra’iisul Wasaaraha waxaa safarkiisa ku wehlinaya Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Cumar C/risaaq oo ah Qasnaji hayaha Khayre, wuxuuna inta badan u raacaa safarada uu gobolada dalka iyo dibadda ku aadayo, isagoon wax shaqa ah ka qaban Aqalka dowladda Hoose, wallow xanta uu u soo dhageysto Khayre kaliya.
Saaka waxaa hore u sii aaday magaalada Dhuusa-Mareeb boqolaal askar ah, kuwaasoo oo kamid ah ilaalada Khayre, waxeyna wateen gaadiidka dagaalka iyo Dabajeexyo, waxaana jira shaki uu qabo Khayre oo ku aadan inuu weerar ka dhoco xarunta Galgaduud.
Magaalada oo uu isaga baxay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, waxaa haatan ku sugan Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, kuwaasoo soo dhaweyntiisa garoonka u jooga.