Dhageyso: DFS oo ka hadashay xaalada Yariisoow oo marxuum Isbitaalka Qatar ku geeiryooday.

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Qatar C/Risaaq Faarax Cali Taano, ayaa ka hadlay xaalada Caafimaad ee Gudoomiyaha gobolka Banaadir Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow), kaasoo dhaawac daran uu ka soo gaaray qarixii Muqdisho.

Danjire Taano waxa uu tilmaamay in xaalada Duqa Muqdisho ay ka soo reyneyso sidii ay eheyd markii laga qaaday Caasimadda, balse aan la dhayalsan Karin xadiga dhibaatada gaartay, isagoo meelaha ugu daran ku sheegay Madaxa iyo Caloosha oo firir ay uga jiraan.

Waxaa shalay Isbitaalka Hamad ee lagu daweynayo Yariisoow tagay ehelkiisa oo ay hoggaamineysay xaaskiisa, iyadoo ay la socdeen Caruurtiisa, iyagoo la ilmeeyay dhibaatada gaartay Gudoomiye Yariisoow.

Dhinaca kalena, gudaha Isbitaalka waxaa ku geeriyooday mid kamid ah dhaawacyada qarixii Isniintii ka dhacay kontoroolka laga ilaaliyo garoonka Muqdisho, kaasoo jirkiisa dhan uu gubtay, maadaama marxuumka ku sugnaa Kaalin shidaal oo ku taala Hoteelka Afrik.

Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Cismaan Cali, ayaa kamid ahaa 12-kii qof ee Khamiistii loo qaaday dalka Qatar, si xaalkooda loola tacaalo, balse qadarta ayaa halkaas ugu tagtay.

Halkan Hoose ka dhageyso Safiirka Qatar ee Soomaaliya Danjire Taano: