Gudoomiye Mursal iyo xaaskiisa Xildhibaan Samiira Xasan oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoowe.

Gudoomiyaha golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland, isagoo caawa ku hoyanaya madaxtooyada.

Mursal, waxaa socdaalkiisa uu la xiriiraa xuska munaasbada maalinta aasaaska Puntland oo ku began 1-da bisha August, iyadoo la casuumay xubno ay Ajaanib ku jiraan.

Mursal waxaa la socday Xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle oo ah Marwada Gudoomiyaha iyo Xildhibaan Sharmarke garaad suleymaan oo isaguna ah Habdhowraha golaha shacabka.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdixakiin Dhooba Daareed oo soo dhaweeyay Mursal ayaa sheegay in gudoomiyaha uu maalmo joogi doono magaalada, isagoo kulamo la qaadan doona madaxda Puntland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Puntland oo u dabaaldegeysa sanad-guuradii 21aad ee kasoo wareegatay maalintii dhidhibadda loo taagey, 1998-dii, ayaa ah maamulka ugu da’da kuwa waddanka ka jira, iyadoo xuskooda sanadkan uu ku soo aadayo xili uu jiro khilaaf u dhexeeya maamulka Puntland Dowladda Dhexe.