Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo goordhow Shir Jaraa’id qabanaya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa lagu waadaa inuu saaka shir jadaa’id ku qabto magaalada Caasinada ah ee Muqdisho.

Sida warar soo baxaya ay sheegayaan Wasiir Cawad waxaa laga yaabaa inuu ka hadlo arrimaha ka soo kordhay go’aanka ay ka qaateen dalka Guine ee dhaca Galbeedka Qaarada Afrika, kaasoo Khanmistii ay dowladda Soomaaliya xiriirka u jartay.

“Wargelin -Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay qaban doontaa kulan gaar ah subaxa Sabtida (6 Luulyo), Weriyeyaasha kuwa gudaha iyo dibadda waxaa laga codsanayaa in ay ku soo diraan nuqul ka mid ah kaararkooda shaqo iyo teleefoon nambarka ay adeegsadaan email-ka hoos ku qoran si loogu xaqiijiyo imaanshaha” ayaa lagu yiri qoraal Wasaaradu ay Warbaahinta u kala dirtay.

Wararka qaar oo soo baxaya waxa ay tibaaxayaan in Xukuumada Soomaaliya ay war Cad ka soo saari doonto talaabooyinka qaar ee ay iyana qaaday dowladda Kenya oo Soomaaliya ku cadaadineysa sidii ay uga laaban leheyd Dacwada Badda ee taala maxkamada ICJ