Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federallku  ma yeela karaan Dastuurro u gaar ah?

Tusmo:

  • Gogoldhig
  • Dastuurka Federaalka iyo Ahmiyadda uu u leeyahay Nidaamka Federaalka
  • ilaa intee Haboontahay in Dowlad Gobaleedyadu yeeshaan Dastuurro u gaar ah
  • isbarbardhiga Dastuurrada Dowladaha Federaalka ee Arrintaas khuseya
  • Muxuu Dastuurka Federalku ka qabaa in Dowlad Gobaleedyadu yeeshaan Dastuurro u gaar ah ?
  • Awoodda Maxkamadda Dastuuriga ee Burrinta Dastuurrada Dowlad Gobaleedyada ee Khilaafsan Dastuurka Federaalka
  • Gabagabo

 

 

  • Gogoldhig

Dastuurka Soomaaliya ee sida KMG loo ansixiyay 1/8/212, wuxuu qeexayaa in Soomaaliya ay qaadatay Nidaamka Federalka Halkaasna looga guuray Nimaadkii Dowladda mideysan ( Unitary State ) ee Soomaaliya ku dhaqmi jirtay tan iyo markii ay qaadatay xurriyadda 1960.[1]

Dastuurka Federaalku wuxuu Xaddidayaa Xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda federaalka Ama haddii si kale loo dhaho xiriirka ka dhexeeya Dowladda  Fedaraalka iyo Dowlad Gobaleedyada , sidoo kale Dastuurku wuxuu dhigayaa mabaadi’da asaasiga ah ee nidaamka Federaalka iyo xiriirada iskaashiga Heerarka Dowladaha, heer fedraal iyo heer Dowlad Gobaleed.[2]

Maadaama Nimaadka Federaalku uu  yahay Nidaam ku Cusub Soomaaliya  waxaa soo baxay qaadashadiisa kadib  Su’aalo kala duwan oo ay ka mid tahay Su’aasha ah  ilaa intee ayay haboontahay in  Dowlad Gobaleedyadu yeeshaan Dastuurro u gaar ah?  sidaa awgeedna waxaa lama huraan ah in su’aashaan looga jawaabo si cad oo waafi ah.

si kastaba ha ahaatee Daraasadaan Gaaban waxay ka jawaabi doontaa su’aalo ay ka midyihiin kuwan:

  1. Ma haboontahay in Dowlad kasta oo ka mid ah Dowlad Gobaleedyadu yeelato Dastuur u gaar ah?
  2. Haddii ay Haboon tahay Ma jiraan Shuruudo loo baahan yahay in laga helo dastuuradaas?
  • Dastuurka Federaalka KMG ahi ma ka jawaabaa Su’aalahaan?
  1. waa Maxay Xiriirka ay tahay in uu ka ka dhexeeyo Dastuurka Federaalka iyo Dastuurrada Dowlad Gobaleedyada?
  2. Maxkamadda Dastuuriga ahi awood ma u leedahay Burrinta  qoddobada Dastuurada Dowlad Gobaleedyada ee ka horimaanaaya Dastuurka Federaalka?

waxaan Shaki ku jirin in Daraasad noocaani ah ay leedahay ahmiyad wayn si looga hortago looga baaqsado isku dhac iyo is khilaaf ku yimaado Mabaadi’da Dastuurka Federaalka iyo Dastuurada Dowlad Gobaleedyada.

ugu Dambeyntii Daraasadaan waxay ka kooban tahay qaybaha soo socda:

  • Gogoldhig
  • Dastuurka Federaalka iyo Ahmiyadda uu u leeyahay Nidaamka Federaalka
  • ilaa intee ayay Haboontahay in Dowlad Gobaleedyadu yeeshaan Dastuurro u gaar ah?
  • Awoodda Maxkamadda Dastuuriga ee Burrinta Dastuurrada Dowlad Gobaleedyada ee Khilaafsan Dastuurka Federaalka
  • Gabagabo

 

  • Dastuurka Federaalka iyo Ahmiyadda uu u leeyahay Nidaamka Federaalka

Had iyo jeer Dastuurrada Dowladaha Federallku  waxay gundhig u yihiin nidaamka Federaalka waxayna Xiddidaan Nooca Federaal ee Dowladdu qaadanayso, sidoo kalana waa asaaska iyo saldhiga Dowladnimada, sababtoo ah waxaa lagu qeexaa mabaadi’da asaaska u ah qarannimada iyo mabaadi’da  saldhiga u ah nidaamka federaalka iyo xiriirka Heerarka Dowladaha, sidaa awgeedna wuxuu si isku mid ah u hagayaa Dowladda federaalka iyo Dowlad gobaleedyada.

 

 

 

waxaa dhici karta in dadka qaar u fahmaan in Dastuurka Federaalku uu khuseeyo kaliya Dowladda federaalka oo uusan khuseeyn Dowlad gobaleedyada  hase ahaatee arrintaas waa  aragti  aan saxnayn oo ka fog nuxurka mabaadi’da iyo tilmaamaha ay ximbaarsan yihiin dastuurrada Federaalka.[3]

waxaa kale oo xusid mudan in dastuurrada Dowlada federaalku ay yihiin Sharciga ugu sarreya dalka  oo ay asaga ay waajib tahay in la waafajiyo dhammaan noocyada kale ee shuruucda oo ay ku jiraan dastuurrada Dowlad Gobaleedyada, taas oo micnaheedu tahay in aanay jiri Karin ama aan la soo saari Karin dastuur Dowlad gobaleed  oo ay ku jiraan qoddobo  ama mabaadi’ khilaafsan tan ku xusan Dastuurka Federaalka.

Marka aan eegno dastuurka Federaalka Soomaaliya isna sidaa kama duwana oo wuxuu xaddidayaa nidaamka  iyo Mabaadi’da Federaalka ee Jamhuuriyadda  Fderaalka Soomaaliya,  ayada oo ay xusid mudan tahay in dastuurku uu qeexaayo arrimahaan:

  • Mabaadi’da federaalka
  • Awoodaha heerarka Dowladaha,  heer federaal iyo heer Dowlad Gobaleed
  • Hannaanka maaliyadeed ee Federaalka ( fiscal federalism) oo ay ku jiraan qaabka dakhliga qaranka ay u qaybsanayaan heerarka Dowladaha iyo hannaanka qaybsashada dakhliga kheeraadka dabiiciga ah.
  • iyo arrimo Kale oo Dhammaantood khuseeyo Nidaamka Federaalka.

si la mid ah Dastuurrada wadama federaalka, dastuurka  Soomaaliya wuxuu Xaddidayaa Mabaadi’da iskaashiga heerarka Dowladaha  , qaybsashada kheeraadka  iyo awoodaha oo ah arrimo wada khuseeya heer kasta oo Dowladeed.[4]

 

Ma habboon tahay in gobolladu  yeeshaan dastuurro iyaga u gaar ah ?

Dastuurrada wadamada  Federaalka waxay u qaybsamaa laba nooc marka laga hadlaayo xaqa dowlad gobaleedyadu u leeyihiin in ay samaystaan Dastuurro u gaar ah:

  • Nooca 1aad:

Dastuuradoodu waxay qeexayaa in aan loo baahnayn dastuur aan ahayn kan Federaalka oo si isku mid ah u nidaaminaayo qaab-dhismeeyada  heer federall iyo kan heer Dowlad Gobaleed Wadamadaas waxaa ka mid ah : wadamada  Nigeria iyo Belgiumka oo Dastuurradooda federaalka ay  ku jiraan qodobo faah-faahsan oo qeexaya qaab-dhismeedka Labada heer dowladeed , Sidoo kallana  Dastuurrada wadamadaan waxay tilmaamayaan  in Gobbaladu aysan ubaahnayn dastuurro gaar u ah Maadaama qaab-dhismeedka dowlad Gobaleedyada   si qoto dheer loogu qeexay Dastuurka qaranka si la mid ah sida loogu qeexay  qaab-dhismeedka Dowladda Federaalka, sidoo kale  dalka Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalaalka  Dastuuradooda ay faah-faahinnayaan qaab-dhismeedka Dowlad gobaleedyada, Hase ahaatee wadanka koonfur Africa wuxuu kaga duwan yahay Nigeria iyo Belgiumka in goballadu ay xur u yihiin in ay samaystaan dastuurro u gaar  iyada oo ay lama huraan tahay in Maxkamadda dastuurigu ay Caddayso in uusan khilaafsanayn Dastuurka Qaranka ee Heer federaal.

 

 

 

 

 

  • Nooca 2aad:

Dastuurradooda Federaalka  laguma qeexo  qaab-dhismeedka xukuumadaha Gobollada ,  Sidaa awgeena Dowlad Gobaleedyadu waa in ay Samaystaan Dastuurro u gaar ah si ay u qeexaan Qaab-dhismeedka Dowlad Gobaleedka hase ahaatee  Dastuurka Heer federal wuxuu Dowlad Gobaleedyada ku xiraa Shuruudo :

  • Dastuurka dalka Swiss wuxuu ka dalbayaa Dastuurada gobollada inay ahaadaan kuwo dimuqraadi ah ayna Afti dadwayne ku ansixiyaan shacabka gobolk.
  • Dastuurka dalka Germany wuxuu u oggolaanaya gobollada in ay ansixyaan dastuuradooda u gaarka ah, laakin waa in ay noqdaan kuwa waafaqasan mabaadi’da jamhuuriyadda Dimuqraadiga iyo nidaamka bulasho ee lagu maamulayo talinta sharciga
  • Dalka Argentina, Gobollada waxaa looga baahan yahay inay soo saaran dastuuradooda oo ku xiran shardiga ah nidaamka xukuumadda oo ah mid Jamhuuri ah oo ku dhisan mataalada wakiilada shacabka taasoo looga baahanyahay inay leedahay dawlad hoose oo madaxbanaan.

 

 

 

 

Ugu Dambeyntii ,  Haddii aan soo uruurinno  Waxaan dhihi karnaa, Dawladaha federaalka qaar ka mid ah,  qaab-dhismeedka Dawlad goboleedyada waxaa lagu qeexaa Dastuurka qaranka, taas oo ka dhigan in aan loo baahnayn Dastuurro ay yeeshaan  Dowlad Gobaleedyadu, Halka dalalka kale oo federaal ah, Dastuurka qaranka aan lagu xusin qaab-dhismeedka Dowlad Gobaleedyada, Taas oo ka dhigan in qaab-dhismeedka Dowlad Gobaleedka loo dhaafay Dastuurkeeda u  gaarka ah, waxa keliya ee looga baahan yahayna aytahay  in uusan khilaafsanayn Dastuurka qaranka.

 

 

 

Dastuurka federaalku Muxuu Ka qabaa in Dowlad Gobaleedyadu samaystaan Dastuurro u gaar ah?

Dastuurka Federaalka KMG, wuxuu oggolaanayaa in  Dowlad kasta oo ka mid ah  Dowladaha Xubinta ka ah dowladda Federaalka ay yeelan karto Dastuur u gaar ah  oo lagu qeexo qaab-dhismeedkeeda. Qodobka 120 ee dastuurku wuxuu qeexayaa in dhismaha laamaha sharcdejinta iyo fulinta ee maamullada Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka  ay tahay arrin  lagu nidaaminayo Dastuurrada maamul-goboleedyada. Taa micnahaydu wuxuu yahay in Dastuurka qaranku uu oggolaanaayo in dowlad gobaleedyadu yeesshaan Dastuurro u gaar ah si loogu caddeeyo qaab-dhismeedka Dowlad Gobaleedka, waxaa kale oo xusid mudan in dastuurka federaalku uusan ka hadlin qaab-dhismeedka dowlad Gobaleedyada haddii laga  reebo Mabaadi’da iskaashiga heerarka dowladaha ee Dastuurku uu si guud uga hadlaayo.[5]

Dastuurka federaalku wuxuu dhigayaa hal shardi oo Muhiim oo ay lamahuraan tahay in laga helo dastuurrada Dowlad Gobaleedyada, shardigaas oo ah in Dastuurrada  Dawlad gobaleedyadu aysan khilaafin Dastuurka federaalka sida uu tilmaamaayo qoddobka 121aad ee Dastuurku.[6]

Marka aan eegno laba qoddob ee aan soo sheegnay waxaan dhihi karnaa in Dastuurka  Soomaaliya arrintaan kala mid yahay Dastuurada wadamada  Swisarland  Belgiumka,   Germany iyo Argentina, oo Dowlad Gobaleedyada u oggolaanayo in ay  Samaystaan Dastuurro u gaar ah kuna xiraaya shuruuda gaar ah .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maxkamadda Dastuuriga ah awood ma u leedahay Burrinta Dastuurrada Dowlad Gobaleedyada ee Khilaafsan Dastuurka heer Federaal?

Mar haddii Dowlad Gobaleedyada loo oggolyahay in ay samaystaan dastuurro u gaar ah waxaa suurtagal ah in dastuurrada qaarkood  laga helo qoddobo si toos ah ama si dadban uga hor imaanaaya mabaadi’da,  iyo qoddobada Dastuurka federaalka.

Haddaba , waxaa is waydiin mudanmaxkamadda Dastuuriga ah awood ma u leedahay Burrinta  qoddobada ku jira Dastuurrada Dowlad Gobaleedyada ee Khilaafsan Dastuurka heer Federaal?

Ugu horreyntii waxaa muhiim ah in aan oganno in uusan dastuurka federaalka Ku jirin Qodob si gaar ah u xusaaya in Maxkamadda Dastuuriga ah ay awood u leedahay burrinta Qoddobada ku jira Dastuurrada  Dowlad gobaleedyada ee  ka hor imaanaaya ama khilaafsan Dastuurka federaalka, hase yeeshee waxaa jira qoddobo Dastuurka federaalka Ku jira oo arrintaas si guud u tilmaamaya.

Qodobadaas Waxaa ka mid ah  farqadda labaad ee Qodobka 4aad ee Dastuurka FKMG oo u qoran sidaan (Sharci kasta ama tallaabo maamul oo ka soo horjeedda Dastuurka, maxkamadda Dastuuriga ah ayaa awood u leh burrinta sharcigaas ama tallaabadaas maamul, si waafaqsan Dastuurkan)

Erayga ku qoran Farqaddaan ee (Sharci Kasta) wuxuu muujinayaa in  Sharciyada ay Burrin karto Maxkamadda Dastuuriga ah Haddii ay Khilaafaan Dastuurka qaranka ay ku jiraan Dastuurradda Dowlad Gobaleedyada.[7]

 

 

 

 

Qoddobada kale ee si guud u tilmaamaya in Maxkamadda dastuurku ay Burrin karto  Dastuurrada Dowlad Gobaleedyada ee Khilaafsan Dastuurka Federaalka waxaa ka mid ah Xarafka D  Farqadda 1aad ee Qodobka 109C. ee ka hadlaayo awoodaha Maxkamadda Dastuuriga ah oo u qoran Sidaan

( In ay go’aamiso khilaafyada u dhexeeya dawladda federaalka ah iyo dawlad goboleedyadaxubinta ka ah dawladda federaalka). Sababtoo ah Khlaafyada Imaan kara waxaa ka mid ah Khilaaf la xiriira qoddobada Dastuurrada Dowlad Gobaleedyada oo Khilaafsan kan federaalka.

 

Gabagabo

Shaki kuma jiro in Mowduucaan  uu muhiim u yahay Hanaanka hirgelinta nimaadka Federaalka ee aan qadannay sababtoo ah  haddii aan si qoto dheer looga fikirin  Waxaa imaan karo isku dhac iyo Khilaaf u dhaxeeya Dastuurka Federaalka iyo Dastuurrada Dowlad Gobaleedyada arrintaas oo keeni karta khilaaf dastuuri  ah oo qoto dheer  ragaadiyana Hawlaha qaranka.

 

Ugu dambeyntii Waa in lagu daboolaa  Dib’ueegista Dastuurka federaalka dulduleelada Laxiriira arrintaan oo ay Ka mid yihiin  kuwa soo  socdo:

  • Dastuurka federallku waa in uu Shuruudo cad cad ku xiraa Samaynta Dastuurrada Dowlada Xubinta ka ah dowladda federaalka.
  • Dastuurka waa in si toos ah loogu sheegaa in Maxkamadda Dastuuriga ah ay awood u leedahay Burrinta Dastuurrada Dowlad Gobaleedyada ee Khilaafsan dastuurka qaranka.
  • Dastuurka sidoo kale waa in lagu caddeyaa in dastuurada Dowlad Gobaleedyada laftoodu ay kala duwanaan karaan iyo inkale.

 

Waxaan rajaynayaa  in  Daraasadaan Gaabani ay ifisay arrimo badan oo Muhiim u ah hirgelinta Nimaadka Federaalka ee aan qaadannay.

 

Wabillahi Towfiiq

 

Tixraacyada Daraasadda:

  • Dastuurka Federalka KMG  1 Aug,  2012
  • Assefa Fisha: Ethiopian federalism 2009
  • John Law: How Can We Define Federalism, Perspectives on Federalism, Vol. 5, issue 3, 2013
  • Erato Kozakou-Marcoullis: Understanding Federalism: Different models-Different Challenges Advantages-Disadvantages, 21 December 2015
  • Elliot Bulmer: Federalism International IDEA Constitution-Building Primer 12, © 2017 International Institute for Democracy and Electoral Assistance (International IDEA) Second edition first published in 2015.
  • Markus Böckenförde : A Practical Guide to Constitution Building: The Design of the Legislature, © International Institute for Democracy and Electoral Assistance (International IDEA), 2011.
  • Böckenförde, M. et al., Max Planck Manual on Different Forms of Decentralization, 3rd edn (Heidelberg: Max Planck Institute for Comparative Public Law and International Law, 2008)
  • Carey, J. and Shugart, M. S., Presidents and Assemblies: Constitutional Design and Electoral Dynamics (Cambridge: Cambridge University Press, 1992).
  • Max planck foundation for international peace and the rule of law: comparative manual on federalism in Somalia, Heidelberg, 2016

 

 

 

[1] fiiri farqadda 1aad ee Qodobka 1aad iyo farqadda 3aad ee qodobka 3aad ee Dastuurka FKMG

[2]  fiiri Qoddobada 50aad iyo 51aad ee Dastuurka FKMG

[3]د\ محمد فتوح , رءيس الدولة في النطام الفيدرالي . ص 17

[4] fiiri  Cutubka 5aad ee Dastuurka oo si wanaagsan  u falanqaynaaya qaabdhismeedka Dowladaha Heer fedraalka iyo kuwa Heer Dowlad Gobaleed, Mabaadi’da Federaalka iyo hannaanka iskaashiga Heerarka Dowladaha, gaar ahaan qoddobada  48aad ilaa 54aad ee Dastuurka FKMG.

[5] Fiiri qodobka 120aad ee Dastuurka FKMG

[6] Fiiri qoddobka 121aad ee Dastuurka  FKMG

[7] Fiiri farqadda 2aad ee Qodobka afaarad ee Dastuurka.