Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa dhaliilay isu soo bixii maanta Garoonka Banaadir Stadium loogu sameeyay Gudoomiyihii la dilay ee gobolka marxuum Yariisoow.
Warsame oo qoraal goordhow soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu ku sheegay in Yariisoow aaney u baahneyn in loo baroordiiqo oo Tacsi loo dhigo, maadaama uu yahay qof Shahiiday, balse uu u baahan yahay in loo aar gudo.
“Tacsi baroordiiq waxaa loo sameeyaa ruuxii si dabiici ah u geeriyooda. Allaha u naxariistee Eng Yarisow cadow ayaa dilay ee si dabiici ah uma dhiman. Waxay ahayd in aan u muuqano dad cadow uu haldoorkeedii dilay. Diinteena Islaamka ahi ma dhiirogeliso tacsi, janaaso iyo baroordiiq loo sameeyo dadka gacanta cadawga ku shahiida. sababtuna waa in cadawga loo muujin catow iyo dabacsanaan, dadkana aan dhiiga shuhadada wax iska caadi ah looga dhigin” ayuu yiri Warsame.
C/raxmaan C/Shakuur Warsame waxa uu talo ahaan u soo jeediyay in dodwladda iney qaado weeraro ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaasoo loogu aar gudayo Duqii Muqdisho, wuxuuna madaxda ka dalbaday iney ka digtoonaadaan falalka muujinaya in dowladda habacsanaan ka qabto weerarkii Shabaab.
“Waxay ahayd in Eng Yarisow iyo saaxibadii kale ee lala dilay loo aargudo, maantana ay noqoto maalin dhiilo iyo abaabul. Waxay ahayad in Eng Yarisow guutooyinka ciidanka difaaca ku jira loogu magac daro, hogaanka dawladana uu furimaha dagaalka joogo, waxay ahayd in cadaalada la horkeeno kuwii abaabulay fududeeyey, falkana gaystay, laakiin midkoona ma dhicin. Weli waa nala hodayaa, cadawga ayaana na loo garba duubayaa inta dilka Eng Yarisow geeri dabiici ah loo ekeysiinayo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir, ayaa ugu dnabeyn u tacsiyadeeyay qoyska marxuumka, isagoo yiri “Allaha u naxariisto Eng Yarisow iyo intii kale weerarkaas ku shahiiday. Aamiin”.