Dhab ahaantii ra’iisul wasaare kasta wuxuu matalaa dalkiisa iyo dadkiisa waana inuu adeegaa danahooda guud balse marka la eego xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ka jirta, dad buu ra’iisul wasaaruhu magacooda madax ku yahay oo wuxuu ku fadhiyaa kursi qoonto qolo u leedahay.
Intii uu hogaanka hayey Xasan Cali Kheyre dadkuu magacooda ra’iisul wasaaraha ku yahay waxaa soo gaaray dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin dilal baahsan, caburin dadka caasimadda Muqdisho, burburin maamulo ay ahayd inuu caawiyo dhismahooda iyo isagoo aan xiriir iyo la tashi aan la lahayn madaxda dhaqanka ee bulshada uu kasoo jeedo.
Haddaba su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay haddii dowladda lagu qaybsaday 4.5 waxaa loo yaqaan oo ah Hawiye, Daarood, Dir, Digil iyo Mirifle iyo kuwo kale, uuna ra’iisul wasaaruhu ku fadhiyo kursiga Hawiye muxuu wax uga qaban la’yahay dhibaatada dowladdiisu ku hayso dadka uu metalo, muxuuse qudhiisu dhibataada qayb uga yahay? Bal eeg dhibaatada iyo jid gooyooyinka haysta Muqdishu, dhaliyarada Bajaajleyda oo layska toogto, qaraxyada tuhunada badan leh ee lagu gumaado reer Muqdishu, dadaalka ra’iisul wasaaruhu ku doonayo inuu Lafta-Qareen labo madax uga dhigo Galmudug iyo cawaaqib xumida taas ka imaan karta.
Madaxda sare ee Soomaalidu qabiil ayey kuwada dhaqmaan, waxayna taageerada koowaad ka raadiyaan qabiilkooda, si ay uga helaanna qabiilka ayey naasnuujiyaan.
Tusaale ahaan sida dadka xog ogaalka ahi sheegaan madaxweynuhu si toos ah iyo si dadban ayuu dadkiisa uga faa’iideeyaa dowladda, mana ogola waxa wax u dhimaya.
Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali wuxuu siiyey hub iyo deeq gobolka uu kasoo jeego xiligii uu ahaaa ra’iisul wasaaraha ahaa, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed siyaad Barre wuxuu siiyey qabiilkiisa wixii uu karikaray oo dhan.
Haddaba Ra’iisul Kheyre waa nin ceynkee ah? Yuu u metalaa dowladda? Horta isaga mala hubaa inuu Hawiye yahay? Ra’iisul wasaare haddii aadan dalka ka hirgelin Karin dowlad keenta caddaalad looga maarmo qabyaaladda, fadlan godob haka gelin dadkaad matasho.
W/Q Cumar Diini