Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo daah-furay Ololaha Daaweynta Xoolaha Puntland.

ku simaha Madaxweynaha maamulka Puntland, ahna Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Ololaha Taageeridda Daaweynta Xoolaha Puntland, kaasoo la gaarsiin doono 3 Malyan oo kamid ah xoolaha ku dhaqan 9 gobol ee Puntland.

Munaasabadda daah-furka waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinyay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Cisman Aadan (Fiisigis) Shaqalaha Wasaaradda Dhakhaatiirta xoolaha soo daaweyndoona iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxweyne ku-xageenka maamulka Puntland, ahna ku simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu saaka anba bixiyo dhaqaatiir soo daaweyndoona 3 Malyan oo kamida Xoolaha Puntland, waxa uu sheegay in xooluhu ay yihiin laf dhabarta dhaqaale ee dalka, isla markaana ay inoo leeyihiin faa’idooyin badan, sidaas darteena loo baahan yahay in laga warqabo Xoolaha Caafimaadkoda.

Ugu danbayn, ku simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa neefkii ugu horeeyay Tallaalka siiyay, dhaqaatiirta ayuu kula dar-daarmay inay xil iska saaaran howsha loo igmaday,waxaana uu bogaadiyay Wasasaradda Xanaanada Xoolaha dowladda Puntland oo qorshahaan soo diyaarisay, isgoo tilmaamay inuu rajjo wanaagsan ka qabo inuu guul ku soo dhammaado.

Image may contain: 3 people, people smilingImage may contain: 3 people, people standing and outdoorImage may contain: 2 people, people smiling, people standing, sky, car and outdoorImage may contain: 3 people, people sitting, suit and indoorImage may contain: 6 people, indoorImage may contain: 14 people, people sittingImage may contain: 7 people, people smiling, people sittingImage may contain: foodImage may contain: 3 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 11 people, people smiling, people sitting and indoorImage may contain: one or more people and food