4; Mas’uul oo ka tirsan Hirshabelle oo goordhow qarax Miino lagu dilay.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh.Dhexe ayaa sheegaya in qarax Miino oo culus lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle iyo kan gobolka Sh.Dhexe.

Sida wararku sheegayaan kilonyo gaadiid ah oo galbineysay xubnahan oo ka baxay magaalada Balcad ayaa qaraxa lagula eegtay deegaanka Gololeey, iyagoo ku sii jeeday magaalada Jowhar ee xarunta Sh.Dhexe.

Dadka weerarkan ku dhintay waxaa kamid ah Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/llaahi Shitaawe iyo Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cusmaan.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in Sidoo kale qaraxa uu ku dhintay Xasan Baldoos oo la shaqeynayay mid ka mid ah hey’adaha sama falka ee howlgala Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Askari Darawal ka ahaa gaariga ay wateen mas’uuliyiintan ayaa sidoo kale qaraxa Miinada ahaa ku geeriyooday, iyadoo wali meydadkooda ay deegaanka Gololeey yaalaan.

Sidoo kale waxaa jira askar saarneyd laba Cabdi Bile oo hore iyo gadaal ka socotay gaariga madaxdan ay saarnaayeen oo iyaguna dhaawacyo ay gaareen, kuwaasoo loo soo qaadayo magaalada Muqdisho.