Ciidamada amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgalo balaaran ka sameynaya wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar, halkaasoo ay soo galeen xubno Shabaab ah, sida dadka deegaanka ay soo sheegeen.
Sida wararku sheegayaan, howlgalka oo ah mid culus waxa uu ka dhacayTuulooyinka laamiga saaran,sida Gololeey, Isgoys ilaa tuulada Qalimow oo 30 KM u jirta degmada Balcad, waxaana howlgalka lagu baarayay gaadiidka iyo dadka wdada maraya.
Mid kamid ah Saraakiishii howlgalka hoggaamineysay ayaa Warbaahinta Xaldoon.Net u sheegay in howlgalkan uu ka danbeeyay kadib markii Shabaabku shalay qarax Miino u dhigeen Kolonyo gaadiid ah oo u socday Jowhar, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Ciidamada ayaa gacanta ku soo dhigay dad lala xiriiriyay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab, waxaana lala aaday Saldhigyada Ciidamada Hirshabelle ay ku leeyihiin magaalada Jowhar oo ah xarunta gobolka Sh.Dhexe.