Shabaab oo dilay Mid kamid ah Saraakiishii madaxweyne Farmaajo u raaci leheyd Dhuusa-Mareeb.

Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab ayaa isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan ku dishay Sarkaal sare oo ka tirsan ilaalada Madaxweynaha dalka Maxamed Farmaaho.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdi Deeq, ayaa shalay la toogtay isagoo saaran Mooto Dhug Dhugleeey, iyadoo ay gacanta sharcigana ka baxsadeen kooxihii dilkaasi ka danbeeyay.

Sarkaalka la toogtay oo laba xidigle ahaa ayaa meydkiisa la geeyay xarunta baarista dambiyada ee C.I.D, halkaas oo sawirran looga qaaday, si baaritaano loogu sameeyo.

Ciidamada Booliska gobolka Banaadir oo tagay halka dilka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgallo baaritaana ah, iyagoo ku fashilmay iney gacanta ku soo dhigaan danbiilayaashii weerarkaas ka danbeeyay.

Marxuum Cabdi deeq ayaa kamid ahaa Saraakiisha loo xilsaaray inuu raaco Madaxweyne Farmaajo inta uu ku sugan yahay deegaanada Galmudug, iyadoo madaxtooyada Soomaaliya aysan wax war ah ka soo saarin dilka Sarkaalkan.