Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magalaalada Dhuusamareeb ee Caasimmadda Galmudug, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Wasiir Sabriye waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Guddoomiye ku xigeenka Guddidga Farsamada maamul u dhisidda Galmudug, Waxaana Dhuusa-Mareeb garoonkiisa ku soo dhaweeyay xubno uu kamid ahaa Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya.
Wasiir Sabriye ayaa doonaya inuu goob joog ka noqdo dhismaha maamulka cusub ee Galmudug oo bilaabanaya todobaadka soo socda, iyadoo Caasimadda laga mamnuucay shirarka Siyaasadeed ee aysan ogolaansho ka bixin dowladda dhexe.
Si kastaba, 29-ka bishan November ayaa ah waqtiga uu bilaaban doono hannaanka soo xulista Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, isla markaana 10 bisha December uu si rasmi ah Baarlamaankaas u howl bilaabi doono.
Jadwalka ay Guddiga doorashada Galmudug soo saareen 25-kii bishan ayaa waxaa ku xusan in Doorashada Guddoonka Baarlamaanka dhacdo inta u dhaxeysa 13-ka illaa 16-ka December, Sidoo kalena Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ay dhicdo 17-ka illaa 23-ka December.