Dadkii ugu badnaa oo Puntland dil iyo Kufsi loogu gaystay sanadki 2019.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee dowladda Puntland, ayaa maanta oo Sabtiya shaaciyay Shaxanka Denbiyadii ka dhacay Puntland sannadkii tegay ee 2019 oo gaaraya 4379 kiis.

Sida ku cad warqadda Shaxanka ah ee ka soo baxday Xeer Ilaalinta, sannadkii tegay ee 2019, waxaa Puntland ka dhacay 162 dil, kuwaasi oo uu kaalinta kowaad kaga jiro gobolka Mudug, oo ay ka dhaceen 59 dil, halka gobolka Bari oo ku soo xiga ay ka dhaceen 55 dil. Gobolka Cayn ayaa isna wax aka dhacay 19 dil.

Gobollada Nugaal iyo Sool, ayaa waxa sannadkaasi mid walba ka dhacay 9 dil, halka gobolka Karkaar ay ka dhaceen 6 dil, sidoo kale gobolka Haylaan waxa ka dhacay 4 dil, balse gobolka Sanaag ayaa sannadka oo dhan lagu dilay hal qof oo keliya, sida ku xusan Shaxanka Xeer Ilaalinta Puntland.

Denbiyada Kufsiga ee Puntland ka dhacay sannadkii tegay, ayaa lagu sheegay 90-kufsi, waxaana hoggaaminaya gobolka Nugaal oo ay ka dhaceen 30 kufsi. Gobolka Bari oo ku soo xiga ayaa laga diiwaan-geliyay 18 kufsi, iyadoo gobolka Mudugna ay ka dhaceen 13 kufsi.