Guudlaawe oo Muqdisho ku xaliyay khilaafkii u dhexeeyay madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa xalay Muqdisho ku xaliyay khilaaf mudo soo jiitamayay oo u dhexeeyay madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi waare iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Cismaan Barre Maxamed.

Guudlaawe ayaa fiidkii hire ee xalay hoyga uu ka degan yahay Muqdisho kulan casho ahaa ugu sameeyay labadan mas’uul, iyadoo fadhigga la isaga xog wareystay khilaafka iyo waxa uu salka ku hayo iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la dhameeyo.

Afhayeenka Hirshabelle Daa’uud Xaaji Cirro oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa tilmaamay in ugu danbeyn xal laga gaaray mad madowgii u dhexeeyay Waare iyo Sheekh Cismaan.

“Madaxweyne Ku Xigeenka DG HirShabeelle Md Ali Gudlaawe Hussein ayaa caawa hoygiisa Magaalada Muqdisho kulan Casho ah ugu sameeyay Madaxweynaha DG HirShabeelle Md Dr Mohammed Abdi Ware iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka HirShabeelle Md Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, Kulankan ayaa ujeedkiisuna ahaa sidii loo soo afjari lahaa khilaaf iyo Madmadow soo kala dhexgalay Madaxweyne Dr Maxamed Cabdi Waare iyo Gudoomiye Sheekh Cusmaan Barre Maxamed, Ugu Dambeyn Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa soo afjaray Khilaafkii Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka” ayaa lagu yiri qoraalka Afhayeenka.

Si kastaba, Hirshabelle oo ah maamul goboleedka ugu liita ee dalka ka jira, ayaa madaxdiisa waxa ay ka dhamaan la’yihiin khilaaf iyo iney isaga tamashleeyaan magaalada Muqdisho, iyadoo Caasimadda Hirshabelle ee Jowhar ay ka wada maqan yihiin Saddexdii mas’uul ee ugu sareysay maamulkan.