Isbitaalka ugu weyn Soomaaliya ee Digfeer oo Albaabada loo laabay Carona dartiis.

Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in la xiray, kadib markii saddex ka mid ah dhakhaatiirta isbitaalka laga helay xanuunka Coronavirus.

Saraakiil ka tirsan Isbitaalka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in xaaladda Isbitaalka ay tahay mid kacsan oo kala shaki xooggan uu ka taagan yahay.

Qaar kamid ah maamulka ayaa sheegay inaysan qaabilayn Waxaan ka ahayn bukaannada ku soo dhaawacma Qaraxyada iyo wixii la mid ah.

Isbitaalka Digfeer ayaa ah isbitaalka ugu weyn haatan Soomaaliya, wuxuuna u adeegayay dad fara adan.