Proff. Igiriis oo qoraal cajiib ah ku cabiray kali talisnimadii Siyaad Barre iyo mida Farmaajo

Walaalayaal,

Dikreetooyinkii taliskii militariga ee Jaalle Siyaad, oo aan horey marna loo nasiqin, ayaa u gogol-xaaraya taliska Farmaajo inuu u taliyo isla qaabkii diktaatooriyadda ee taliskii miliariga, iyadoo la isticmaalayo halhayska ah ‘waa markii ugu horreysay muddo 30 sano kaddib!’. Tusaale, haddii aan dib u qooraansanno qeyb ka mid ah dikreetooyinkaas, oo lagu baa bi’iyey shuruucdii xuquuqda muwaadinka ee dalka u degsaneyd lixdameeyadii, waxaa mid ah:

1) Decree No. 1 ee la soo saaray 10 January 1970 oo lagu unkay awoodda xarriga. Wuxuu dhigayaa in haddii muwaadinka lagu tuhmo inuu ka soo horjeedo taliska lagu qaban karo meel walba. Looma baahna warqad maxkamadeed, ee waxaa marqaati ugu filan in lagu eedeeyo mucaaradnimo. (Tusaale, waxaa sidaas guryahooda lagaga soo xir-xiray General Caydiid, Colonel Cilmi Nuur Tarey, Colonel Ibraahin Rooble Warfaa ‘Doonyaale’, Col Cabdullaahi Yuusuf, iyo saraakiil kale).

2) Decree No. 3 ee la soo saaray 15 February 1970, oo wax looga beddelay maxkamadihii civil-ka ahaa, isla markaana cases-kii caadiga ahaa ee dadweynaha loo wareejiyey Maxkamadda Badbaadada (the National Security Court), oo ay garsoorayaal ka yihiin niman askar ah, oo ka tirsan wixii loo yiqiinnay ‘Golaha Sare’, askartaas oo aan wax aqoon ah u lahayn sharci iyo shuruuc midna. Go’aanka ay gaaraan, waxaa u yeerin jiray Jaalle Siyaad. (Tusaale, waxay xukumeen dilkii 10-ka wadaad iyo dilkii General Caynaanshe, General Salaad Gabeyre iyo Col Cabdulqaadir Dheel).

3) Decree No. 14 ee la soo saaray 15 February 1970, oo lagu dhisay hay’ad cusub oo sirdoon, oo lagu magacaabay the National Security Service (NSS). Qodobka lixaad ee dikreetadu, wuxuu leeyahay ‘‘[t]he members of the National Security Service shall, without any warrant, have the power to arrest any person’. (Tusaale, waxaa sidaas lagu soo qayb-qabtay dad lagu tuhmay taageerada jabhadihii xaq-u-dirirka ahaa, ee hubeysnaa, waxaana ka mid ahayd Marxuumad Xaawo Cawaale Abtidoon, oo ahayd qoftii dumar ah ee horreysay ee xil Baarlamaan isu taagta iyo Marwo Timacad, xaaskii koowaad, ee Ambassador Daahir Yuusuf Aw-Maxamuud, oo lagu riday Godka Jilicow, laguna jirdilay, iyadoo Timacad horey uga soo mid ahaan jirtay garabkii haweenka ee SYL, ee ay Guddoomiyaha ka ahayd Raaxo Ayaanle Guuleed).

4) Decree No. 12 ee la soo saaray 3 Maarso 1970, oo lagu suspend-gareeyey sharcigii Habeas Corpus, oo ahaa nidaamkii gundhigga u ahaa dimoqraadiyaddii dowladihii rayidka (1960-1969). Sharciga la baa bi’iyey, wuxuu adkeynayey inaan qofna xabsi la isaga hayn karin haddii aanay maxkamad xukumin. (Tusaale, suspend-ga wuxuu keenay in lagu tunto xuquuqda sharci ee muwaadinka caadiga ah ee Soomaaliyeed, wuxuuna horseeday in xabsiyada la isaga hayo kuwii dowladnimada dhaliyey, sida Aaden Cabdulle Cusmaan, Cabdullaahi Ciise, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, Maxamed Ibraahin Cigaal, iyo rag kale).

5) Decree No. 64 oo la soo saaray 10 Oktoobar 1970, ee gebi ahaanba lagu baa bi’iyey sharcigii Habeas Corpus. Taas oo macnaheedu noqday muwaadinka Soomaaliyeed in kibir, qooq, been iyo awood la isaga soo xirto, laguna haysto xabsiyada intii la doono. (Tusaale, arrintaan waxay keentay in rag ay xabsiyada dhex jiifaan muddo 16 sano ka badan, sida Jaamac Cali Jaamac, Bardacad iyo Maxamed Abshir).

6) Decree No. 67 oo la soo saaray 1 November 1970 ee loo bixiyey ‘Difaaca Bulshada’. Iyadoo lagu andacoonayo waxa loogu yeeray ‘Difaac Bulsho’ ayaa muwaadinka Soomaaliyeed loo diiday inuu cabbiro fekerkiisa xorta ah, qoraal xor ah qori karo, waxna curin karo, sida suugaan, waxaana la isticmaalay kooxaha sirdoonka, si loo cabburiyo abwaannada ka damqaday, ee ka dhiidhiyey cadaadiska iyo cabburiskii jiray, ee gabayo wax ku dhaliilay ama ku dhaleeceeyey. (Tusaale, Abwaan Hadraawi, Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil, Abwaan Cabdi Qays, iwm, oo xabsiyo lagu hayo, iyadoo Qeys uu xabsiga ka soo dhex duubay cajalad uu u ooyayo Jaalle Siyaad, oo uu leeyahay ‘Aabbe, i cafi, oo iga sii daa xabsiga’. Cajaladda, waxaa hadda ka hor i dhegeysiiyey fannaanka weyn Bashiir Cali Xuseen, oo ku nool Norway).

7) Decree No. 38 oo soo baxay 5 April 1972, ee hay’adaha amniga awood u siinaya inay arrimaha garsoorka dalka la galaan gacmahooda. Haddii nin garsoore ah uu ku dhawaaqo xukun aan u daneynayn taliska, waxaa hay’adaha amniga awood loo siiyey inay xoog ku maquuniyaan, si xukunkaas loogu rogo dhanka kale. (Tusaale, nin wax dilay, oo ay maxkamad ku xukuntay dil, oo la sii deynayo qabiilkiisa awgii, iyo mid lagu tuhmayey kacaan-diid oo lagu dilayo 100 kun shilling Soomaali ah ayuu dhacay qabiilkiisa awgii, iyadoo ay joogaan kuwo wasiirro iyo agaasimeyaal ahaa, oo dhacaya millions of US dollars oo lagu helay loollankii Cold War-ka, ee u dhexeeyey kuwii la baxay ‘superpowers’).

Dikreetooyinkaan, mid ka mid ah wuxuu si cad u qeexayaa in aysan shiri karin saddex qofood wax ka badan. Haddii ay shirayaan, waa inay wargeliyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo ay warqad ka soo qaataan, waana sida uu haddeer soo rogay Farmaajo. Daraaseynta ama dersidda dikreetooyinkaan oo dhan iyo kuwa kale oo badan, sida kuwii faaf-reebka iyo jinsiyad-kala-noqoshada muwaadinka Soomaaliga, waxaad ka eegi karaan chapter-ka afraad ee buuggeyga, ‘The Suicidal State in Somalia: The Rise and Fall of the Siad Barre Regime, 1969-1991’ (published by the University Press of America, 2016).

Waa Ingiriis