Wararkii u dambeeyay xaaladda gabdhihii lagu kufsaday Degmada Afgooye.

Dhakhaatiirta Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa weli la tacaalaya xaaladda caafimaad, ee gabdhihii wada dhashay, 1dii bishaana lagu kufsaday Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina, Dr. Maxamed Yuusuf oo gacanta ku haya xaaladda gabdhahan yar yar ayaa sheegay in inkastoo uu dhaawac culus ku yaalo, hadana ay xaaladoodu ka soo reynayso.

Gabdhahan da’doodu lagu kala sheegay saddex jir iyo afar sano jir ayaa kufsigan loo gaystay uu taabtay dareenka umadda Soomaaliyeed, iyadoona aad loo cambaareeyay.

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe ayaa sheegtay in kufsigaasi oo kale aanu horey dalka uga dhicin, in mar qura la wada kufsado laba hablood oo aad u da’yar, misena wada dhashay

Afhayeenka Golaha Dhaqanka Koonfur Galbeed, Malaaq Deerow Yacquub Cali ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid ugub ah, isla-markaana fajac leh.

In gabdho saddex jir iyo afar jir kufsi loo gaysto ayaa Malaaq Deerow waxaa uu ku sheegay inay tahay mid aan wax lagu macneeyaahi jirin.

Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), Wasiirka Warfaafinta Somaliya ayaa maalintii Sabtida sheegay in kufsigaasi uu ka dhigan yahay weerar loo gaystay magaca Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa 2dii bishan sheegay in sideed iyo toban qof loo soo xiray kufsigaasi, iyadoo aanay jirin cid illaa iyo hadda maxkamad loo soo taagay.

Muna Cumar Xasan, Gudoomiyaha Ururka Midowga Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa sheegtay in dadka reer Afgooye ay yihiin dad is garanaya, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in sharciga la horkeeno kuwii ka masuulka ahaa falkaasi argagaxa badan abuuray.

Marka ay jiraan arrimo xasaasi ah ayaa dowladda haataan jirta looga bartay in ay guddi u magacawdo, balse dhacdada Afgooye waxaan jirin cid si gaar ahi loogu xil saaray, marka laga soo taggo laamaha amniga ee degmadaasi oo la sheegay in ay baaritaano wadaan.