Todobaad kadib waxaa saaka si rasmi ah u shaqo bilaabay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyne, kadib markii Isbuucii hore 14kii Bishan ay ku dhacday Diyaarad siday Shixnad kala duwan.
Diyaarad rakaab ayaa saaka ka degtay Magaalada Beledweyne, waxaana si caadi ab Garoonka ugu soo noqotay shaqadii maalin laha aheyd ee Garoonka uu qaban jiray.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan oo shalay tagay Garoonkaan ayaa sheegay shaqada Garoonka in si caadi ah u bilaabaneyso, kadib soo dhicitaankii Diyaaradii ku dhacday Garoonka Magaalada Beledweyne .
Garoonka Magaalada Beledweyne ayaa ah mid aanan horumarsaneyn, marka loo eego Garoomada kale qaar ee Gobolada dalka, waxaana jirta xilliyada qaar marka uu da’o roobka in Garoonka ay fariistaan biyo oo shaqada dhan ay istaagto.
Ciidamada Amisom ayaa gacanta ku haayo ammaanka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne oo ay ka dhoofaan kana soo dagaan dadka shacabka ah ee Gobolkaasi aada.