Qarax xoog leh ayaa goor dhaw ka dhacay xarunta laanta ilaalada canshuuraha oo ku taalla ka soo hor jeedka Dekadda weyn ee Muqdisho.
Qaraxa ayaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey wax yaabaha qarxa, waxaana xilliga uu dhacayey goobta ku sugnaa dad u badan muruq maal, iyo kuwo kale oo wadada isticmaalayey.
Waxaa jira khasaare ka dhashay qaraxa oo dhimasho iyo dhaawacba leh in kastoo aan weli la xaqiiji inta uu dhanyahay khasaaraha rasmiga ah.
Goobta hadda waxaa ka socda gurmad loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxa, waxaana aagga dekedda Muqdisho oo ah halka uu ka dhacay qaraxaasi isku geedaamay ciidamada ammaanka.
Taliyaha ku xigeenka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen ayaa qoraal kooban oo ay dhigtay barteeda xiriirka Bulshada waxay ku tiri, “Qarax ayaa ka dhacay laanta Dhexe ee Ilaalinta Canshuuraha iyo Dhaqaalaha Muqdisho, ka Soo hor jeedka Dekada weyn ee Muqdisho. Wixii qasaare ah dib ayaan idinka Soo sheegi doonaa.”
Faahfaahinta goordhow la soco: