Qormo xasaasi ah: Amniga geeska Afrika wuxuu u baahan yahay Somaliya oo xasiloon.

Danjiraha Jabuuti u jooga Sacuudiga, Ambassador Diya’udiin Saciid Bamakhrama ayaa waxa uu hadalkaasi ku sheegay Maqaal dheer oo uu maalintii Arbacada ee shalay (1-dii Luulyo) ku qoray Wargeyska Afka Carabiga lagu qoro ee Asharqal Awasad ee laga leeyahay Sacuudiga, balse, lagu daabaco London.

أمن القرن الأفريقي يتطلب صومالاً مستقراً

Diplomaasiga oo ah Danjiraha Jabuuti ee muddada dheer uga wakiilka ah Sacuudiga waxa uu Maqaalkaasi si faahfaahsan uga hadlay Doorka Jabuuti ee Arrimaha Dib-u-heshiisiinta Somalia  iyo sida ay Somalia muhiim ugu tahay Deganaanshaha Guud ee Geeska Afrika.

Maqaalka Danjiraha waxa uu ku soo hadal-qaaday Shirkii Wada-tashiga ee Somalia iyo Somaliland ee bishii hore lagu qabtay magaalladdda Jabuuti, iyadoo ay labada dhinac ku heshiiyeen Guddiyo Farsamo oo sii wada Wada-xaajoodka iyo inaan la siyaasadaynin Deeqaha Horumarinta Caalamiga iyo Maalgashiga.

Danjiruhu waxa uu Maqaalkiisa ku sheegay inay Jabuuti doonayso sidii Somalia loogu soo dabaali lahaa Deganaansho, maadaama ay xaalladda Somalia dhibaataynayso Ammaanka Geeska Afrika.

“Yegleelida Deganaanshaha iyo Ammaanka Somalia iyo xadaynta qulqulka Qaxootiga waxay fure u yihiin Geeska Afrika, iyadoo Gobalka, Juqraafi ahaan, Dhaqan ahaan, Aadmi ahaan iyo Dhaqaale ahaan uu midna kan kale ku xiran yahay” ayuu yiri Ambassador Diya’udiin Saciid Bamakhrama.

Maqaalka uu Danjiraha Jabuuti u jooga Sacuudiga uu ku qoray Wargeyska Asharqal Awsad waxa uu ku tallax-tegay Taariikhda Dheer ee dadaalka Jabuuti ee Dib-u-heshiisiinta Somalia, wuxuuna si waadax ah uga faallooday Dadaalka Dowladda Jabuuti ee marti-gelinta Shirarkii Dib-u-heshiisiinta Somalia, laga soo bilaabo Shirkii 1-aad ee Dib-u-heshiisiinta ee lagu qabtay Deegaanka Carta bilihii June ilaa July ee sanadkii 2001-dii, laguna soo doortay Madaxweynihii KMG ee Somalia, Cali Mahdi Maxamed.

Daniraha waxa kale oo uu soo qaatay Shirkii Dib-u-heshiisiinta ee bishii May ee sanadkii 2000 lagu qabtay Jabuuti, kaasi oo uu xusay inay ka qeyb galeen in ka badan 1,000 Ergo oo Soomaali ah oo isugu jiray Hoggaamiyayasha Bulshada Rayidka, kuwa Qabaa’ilada, Siyaasiyiin, Aqoonyahano.

Shirkaasi waxa uu dhowr bilood ka socday Deegaanka Carta oo u dhow magaalladda Jabuuti, iyadoo Madaxweyne Geelle ku dhex jiray Ergooyinka, kana qeyb qaatay Dib-u-dhiska Somalia.

Madaxweyne Geelle intii uu socday Shirkaasi waxay indhihiisa la ilmeeyeen Soomaali darteed, Ammaankooda, Badbaadadooda iyo muhiimadda inuu mar kale dhiirigeliyo, iyadoo Shirka Carta lagu soo doortay Madaxweynihii KMG, C/qaasim Salaad Xasan.

Sidoo kale, Maqaalka uu Ambassador Diya’udiin Saciid Bamakhrama ku qoray Waregeyska Asharqal-awsad waxa uu ku soo hadal-qaaday taageeradda ay Jabuuti ka geysatay xalinta khilaafyada Mandiqada, sida Dhexdhexaadinta Jabuuti ee  Khilaafkii ka dhex jiray Madaxweynihii dalka Sudan, Cumar Xasan Albashiir iyo Hoggaamiyihii Xisbiga Mucaaradka ee Umah, Saadaq  dabayaaqadii sanadkii 1991-kii.

Xigasho: AAWSAT.COM

Maqaalkan waxaa qoray Danjiraha Jabuuti u jooga Sacuudiga,

Waxaa Turjumay, soona koobay : Ustaad Nuradin