Siciid Deni oo dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo iyo war cusub uu ku dhawaaqay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soodhoweeyay magaaladda Gaalkacayo, Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo kasoo laabtay Shirkii Dhuusamareeb ayaa safar dhinaca dhulka ah ku yimi Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta wuxuuna la wadaagay Bulshada in Safarka dhulka uu kusoo maray uu Astaan u yahay nabadda iyo wadajirka.

“Safarka Dhuusamareeb marka laga tago Shirkii aan u joognay, wuxuu noo lahaa ahmiyad gaar ah , wuxuu daba socday Shirarkii isdaba jooga ahaa ee aanu Madaxda Galmudug la yeelanaynay, si aan u horumarino nabadda, wadajirka iyo derisnimada” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni .

“Maantana safarkeena aanu nimid Dhuusamareeb illaa Gaalkacyo waxay Astaan u tahay, safar nabadeed ayuu ahaa, safar aanu ku dhiirigelineynay nabadda iyo is dhex-socodka ayuu ahaa, waad ogtihiinoo Shacabku waa isdhex socon jiray laakiin Madaxdu saan uma socon jirin.

Waxaan uga mahadcelinayaa Shacabka Galmudug sida ay noo soodhoweeyeen, intii aan soo soconay iyo intii aan joognay ahmiyad gaar ah ayeey siiyeen Puntland, waxaan idiin cadeenaya reer Galmudug inay ka go’antahay nabadda iyo wada noolaashaha” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland .

Soo dhoweynta Madaxweynaha waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta labada dhinac ee Galmudug iyo Puntland ee Gobolka Mudug, Haweenka Gobolka Mudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaaladda Gaalkacyo.