Ciidamada Amisom oo si bareer ah u dilay haweeney da’a ah oo korineysay caruur agoon ah.

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay haweeney ku dileen deegaanka Buurane, oo hoos-tagga Degmada Mahadaay.

Ciidanka Amisom ayaa gurigeeda ku dhex dilay haweeneydaasi, oo korineysay carruur agoon ah, oo aabahood uu ku dhintay rasaas habow ah, oo ka dhalatay iska horimaad Amisom iyo Shabaab ku dhex maray deegaankaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidanka Amisom ay gudaha u galeen gurigaasi, wax yar uun ka dib, markii mid ka mida gaadiidkooda lala eegtay qarax ku aasnaa wadada dhinaceeda.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka Ciidanka Amisom ayaa si bareer ah rasaas ugu dhuftay haweeneydaasi, ka gadaal markii ay wax rag ahi ka waayeen gurigaasi.

Dhacdadan ayaa ka careysiiyay waxgaradka deegaanka, haddii ay Ciidanka Amisom hooyo tireen carruurtii ay agoonimada ku korineysay.

Ciidanka Nabad Ilaalinta ee dalka Burundi ka socda ayaa dhibaateeya dadka reer Buurane, markasta oo qarax uu ku haleelo deegaankaasi.