Qofkasta oo Soomaali ah waa uu ka warhaya in doorasho ay dalka ka dhici doonto , hase yeeshe su’aal ayaa taagan oo ah doorashadu waqtigeedii maku dhici doontaa ?
Weli guddi lama dhisin, Ray’iisulwasaaraha waxa uu qoray warqad uu dowlad goboleedyada uga codsanayo inay soo gudbiyaan xubnihii guddiga doorashooyinka uga mid noqon lahaa oo horey loogu heshiiyay taas oo ay u muuqato in dib u dhac ku keeni doonto jadwalkii horey loo sameeyay.
Hadda waxaa meesha ka muuqda in doorashada aan raali laga wada ahayn haba ugu darnaadee odayga kursiga ku fadhiya kaasi oo qorshaynaya in dib loo doorto, sida caadada ahna madaxweyne horey loo doortay dib uma soo noqdo. Tani waxaa sabab u ah in ballan qaadyada ay qaadaan aysan fulin, si gaar ah balan la galka shaqsiyaadka marka ay doonayaan inay kursiga ku fariistaan & weliba tan caam (guud) oo aysan sidii ay ugu ballan dhigeen uga soo dhallaalin, Madaxwayne Farmaajana kumaba sii miro .
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu abuurtay collaad aad u badan ha ahaato dowlad goboleedyada, shaqsiyaad saamayn ku leh siyaasada Soomaaliya & hogaamiyayaasha Mucaaradka oo aysan jirin mid uu xiriir dhow la leeyahay. Middaani waxay isku horgaynaysa hankiisa la xiriira in marlabaad dib loo doorto iyadoo suuragalba ay tahay inuu helo doorashada soo socota codad aad u yar maadama uu yahay shaqsi balanta aanan ku adkayn taaasina waxaa muujinaysa sida uu u bannaanka u dhigay dadkii u halgamay markii uu musharaxa ahaa kuwaas oo hadda u garab ah musharixiin kale oo ka soo horjeeda Mr Farmaajo.
Maamul goboleedyada & Doorkooda Doorashada.
Maamul goboleedyada ayaa saamayn weyn ku leh doorashada la filayo inay dhacdo sanadka soo socda kuwaas oo laga yaabo in kuraas dad badan ku fadhiyaan maanta loo celin isla shaqsiyaadkaas taas oo keenaysa in dowlad goboleedyadaas qaar aysan xiriir toos ah la lahayn xildhibaanada matalka ugu jooga labada aqal ee Baarlamaanka .
Dowlad Goboleedka Galmudug oo aan ognahay doorashadii ka dhacday 2016-kii in lagu soo saaray xildhibaanno badan si musuq ah oo kacdoonkii ka dhashay uu aaqirkii uu galaaftay Guleedkii berigaas Galmudug xukumayay. Haddaba madaxweyne Qoorqoorka galmudug maanta Jooga waa muhiim in uu cashir ku qaato wixii horey usoo dhacay hadduuba dan ka leeyahay ku dhex jirka siyaasada Soomaaliya sidoo kalena ay cibro qaadasho ugu noqoto kuwii horey musuqa u soo sameeyay in sanka laga wada haysto maanta.
Gaaskii Puntland. Shariif Xasankii Koofur-Galbeed, Guuleedkii Galmudug & Cosoblahii Hirshabele ayaa dhammaantood sababsaday kursi boobkii ay sameeyeen. Nabsigii dabaysha ayaa ku dhacay iyagoo laga yaabo maanta inay ka shalaynayaan musuqii shalay ay sameeyeen.
Haddaba ku waana qaado wixii shalay raggaas galaaftay oo noqo luquntii labada garab u dhaxaysay oo caddaalad samee, Caddaalada ayaa shaqsiga u horseeda hormar. Fadlan qofna ha xumayn, hana ugu hiilin xaqdaro.
Taladu qoorqoorka Galmudug oo keliya ma ahan ee waxay waano u gashaa Daniga Puntland, Lafta gareenka Koofur-Galbeed, Axmed Madoobaha Jubbaland & Madaxweynaha soo socda ee Hirshabelle.
Caadiyadan Siyaasada Soomaaliya ayaa ah in ninka kursiga ku fadhiyo uu qarash badan ku bixiyo sidii uu u soosaari lahaa shaqsi isaga aan dooran doonin berrito. Tusaalle waxaa kugu filan kuwii shalay qarashka badan ku bixiyay shaqsiyaad ay ku soo saareen si musuq ah ay markii dambe ugu hiiliyay codkooda shaqsi kale .
DOORKA DHALINYARADA.
Kaalinta dhalinyarada sandakan soo socda wuxuu noqonaya mid muuqda. Dhalinyaro badan ayaa horey ugu fashilmay siyaasada kuwaas oo ku idlaystay muddo xileedkoodii hor istaaga xafiisyada oo laga siiyo wax yar oo sandareero ah kuwaas oo lagu laaluusho halka ay ka fekeri lahaayeen dhalinyarada dalkeenna oo 75% ka ah bulshada. Haddaba dhalinyarada Soomaaliyeed ee ee maanta fursada haysta lagana yaabo inay ku soo baxaan kuraasta baarlamanka waxaan kula talinayaa inay dalka& dadka u dooraan shaqsi u turi doona waxna u tari kara .
W/Q Mohamed Ali Axmed
Email Canshuur1@gmail.com
dowlad goboleedyada, ( Hasha kuu godlan lama gowraco)