Shidaalka Somalida iyo Xaraashka Maanta. khatar.

Shidaalka Somalida iyo Xaraashka Maanta. khatar

Waa Qoraal aad muhim u ah in aad Akhriso, haba kugu dheeraadee, Fadlan haka caajisin si aad u ogaato Waajibka Shidaalka Dalka kaa saaran.

Waan ogahay Khatarta uu ii leeyahay Qoraalkaani.

Maanta Anniga oo xanuunsan ayaa Guriga ka baxay, waxaan mar kale la kulmay wadadii aan Magaalada ku aadi jiray oo xiran, Sabab.

waxaa la sugayay in ey yimaadaan Magaalada Saddax Madaxweyne Maamul Gobaleed. Waxaa kale oo la sugayay Laba Dayaaradood oo siday Madaxda Shirkado lala saxiixan lahaa Heshiis Shidaal waana yimaadeen. Waxaa la diyaariyay Qolkii wax lagu saxiixi lahaa.

Waxaa heshiiska lala saxiixanayay shirkadaha ah Liberty iyo Coastline Exploration Petroleum oo ah Ex- SomaOil and Gas. Shirkadihii kale ee caalamka ee waaweyna waa diideen in ey ka qeybgalaan Heshiiskaa xaraashka Shidaalka.

waxaa la filayay in Shirkaddaa yar oo aan aad loo Aqoonsaneyn in uu u saxiixo Mr. Lane Franks oo ah Liberty Petroleum Corporation, Co-Founder , President & CEO. Mr. Lane waxa uu ku shaqey jiray Qalab lagu qodo Ceelasha oo Qoyskiisu ey ku lahaayeen New Mexico, USA isaga oo ahaa 16 Sanno jir iyo walaalkii ka weyn Mr. Trent Faranks oo ahaa 17 jir, kadibna u bedelay Shirkad ka shqeeyso Galbeedka iyo Bartamaha Gobalka Taxes –USA sannadkii 1980kii. Kadibna waxa ey u sii bedeleen shirkad Gaaska ka Sahamiso Gobaladda: Oklahoma, Taxes, New Mexico, Utah, Colorado, Kentucky iyo Tennesses.

Kadibna waxa ey u sii bedeleen Shirkadan Cusub ee Liberty Sannadkii 1999kii oo markaa kadib Bilaawday in ey ka shaqeyso meela ka baxsan Mareykanka Gaar ahaan Afrika oo ey ka shaqeysteen Lacag dhan $ 1.4 Billion.

Waxaa la leeyahay Maanta waxaa loo saxiixay Libertina 3 Block Shidaal, in kastoo Dib loo dhigay dhameystirka Heshiiska illaa Berri , sidda la leeyahay Madaxweyne Gobaleedkii Hirshabeele ayaan weli soo gaarin Magaalada.

Waxaa la sheegay in Shirkadda Liberty ey Bixisay Lacag dhan $ 120 Million oo ey toos ugu shubee Bangiga dhexe ee Somaliya, Taasi waa Borbogaanda saxiixa yaashu ey sameeynayaan si Dadka looga dhigu in Dowladu ey heshay lacag badan oo ey Doorasho ku gasho.

Laakin waxa Jiro Lacag yar oo Bonus ah oo siyaasiyiinta Somalida la siinayo taa oo ah Halkii Block $2 Million ilaa hadda waxaa la leeyahay 6 Block ayaa la iibiyay oo ah $ 12 Million oo kaliya oo ey qeybsanayaan Siyaasiyiinta Somalidu. Kuwaa oo ey ka mid yihiin 6da Agaasime Shidaal ee SPA-CEO oo ka kala socdo 6 Maamul oo kala ah: 1- Banadir. 2. Hirshabeele. 3. Galmudug. 4. Koofur galbeed. 5. Juba land. iyo 6. Somali land.

Waxa kale oo jiro oo Xaraashka door muhim ah ku leh Sinatoor Somaliya oo ka soo Jeedo Gobalka Galmudug iyo Masuuliyiin kale oo isla Gobalka ah.

Heshiiskaan Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaan ku faraxsaneyn Bacdamaa Maamulka hadda iyo kan Mustaqbalka Shidaalkaan oo dhan Howl wadeenada ugu badan ee shirkaduhu kula heshiiyeen in ey sii wadi doonaan dhamaan howlaha Shidaalka ey badankooda qaadatay Galmudug, taa oo Banaanka dhigtay doorkii Mustaqbalkka ee Koofur galbeed iyo Gobalada Qaar .

Guud ahaan Heshiiskaasi waa Sharci daro, waqtigaan la joogo ee Doorashooyin iyo Amaan daro ey ka jiraan Dalka, iyo Baarlamaankii ansixin lahaa oo aan Sharci ahaan jirin. In kasta oo weli si cad uuna war uga soo bixin Haddana khubarada Bangiga Aduunka qaarkood ayaa qabo in aan la raacin habkii saxda ahaa iyo Procurement Law iwm, waxa ey leeyihiin waxaan hubnaa in ey Saameyn weyn oo xun ku yeela doonto Mashruucii Deyn Cafinta ee la qorsheeynayay.

Qorshaha Xaraashku waxa uu ahaa in uu bilaawdo Bisha March 2021 waqtigaa oo la filayay in Dalka ey Dowlad cusubi ka jirto, waqtigaanna eyna aheyn waqti ku haboon in la galo heshiiskaa waana taa tan keenaty in Shirkadihii waaweynaa ee Caalamku ey diidaan ka qeyb galka Heshiiskaan.

Heshiiska waxaa ku dhax jiro Shirkado Turki ah, in kasta oo eyna si weyn uga muuqan, Haddana Shirkadahaa Turkigu waxa ey dhaawici karaan Kalsoonidii Shacabka Somnalidu ku qabay Dowlada Turkiga, Laakin Shirkadaha Turkigu waxa ey qeyb ka yihiin Mashruucxa maaweelada Dadka ee Dhismaha aan la hubin ee Dekadda Hobyo. Shirkadahaa Shidaalka waxaa laga rabaa in ey Dowladoohooda ku khasbaan in ey taageeraan Dowladda hadda jirto sidii ey u soo noqon leheyd, taa oo shaki laga qabo.

Shrkadda Liberty Masuuliyeenteeda waxaa ka mid ah Labada Nin ee Walaalaha ah: Mr. Lane Franks iyo Mr. Trand Franks. Mr. John McCain oo ka mid ahaa saamileydii hors ee asaastay.Dhinaca Maamulka waxa madax ka ah, Neale Castle waxaa caawisa Trudy Conner

Khubarada kale ee ku howl leh wax aka mid ah: Dr. Alessio Checconi iyo Mr. Scot Fraserar . dhinaca Amnigana Mr. Phil McDonald oo talo ku bixiyay in Ceelasha Berriga aan heshiis lagu galin oo weli ey Jirto khatarta Al-Shabaab ey geysan karaan, laakin in dhinaca Badda marka hore lagu bilaabo bacdamaa ey yaraatay khatartii Burcad Badeeda oo Sannadkii 2011 aheyd 160 dhacdo, laakin Sannadkaan aheyd Hal dhacdo oo kaliya, in kasta oo weli ey jiri karto khatarta Burcad badeedu waa sida uu ku talo bixiayay Mr. Phil.

Fiiri Qodobka 44aad ee Dastuurka KMG iyo Qodobka 45aad ee Dastuurka KMG Faqradiisa 2aad, taa oo Dadka ku nool Jamhuurayada Somalida oo dhan waajib uga dhigee ilaalinta Khayraadka dabiiciga ah ee Dalka.

Wixii Noo dhexeeyo iyo Qabiilada aan isku qeybinay hanoo dambeeyaan ee aan ka tashanno hantida caamka ah, Diinta Islaamku ma ogolo in la dayaco Hantida Caamkaa ee Dadka Muslimiinta ah ka dhexeeyso.

Anniga oo og Khatarta uu yeelan karo Qoraalkaan in aan qoro ,Haddana ma jirto, Hayad ama cid kale oo iga Codsatay ama aan ku xumeeynayo Qoraalkaan, kumana taageerayo Mucaaradka aan ogahay in qaarkood ey sidaan sameey lahaayeen haddii ey fursadaan khaladkaa ey heli lahaayeen. Waa Cilmi Baaris madax banaan. Intaa ayaana kuugu soo koobay Qoraalka Maanta 4/1/2021,aan Diyaariyay oo aad dheeraa.

FG: wixii ka dhiman ku dar, wixii aan ka khaldayna ka sax, arragtidaadu waa muhim.

Qore: Yahya Amir