Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa saakay ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanka geeriyoodey ayaa lagu magacaabaa Maxamed Maxamuud Boonow kaasoo maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay baydhabo, hayeeshee waxaa la sheegay in xanuunkii haayay uu saakay u dhintay.
Allaha u naxariistee Xildhibaanka Maxamuud Boonow ayaa waxaa uu sidoo kale ahaa Wasiiru dowlihii Wasaaradda amniga Gudaha Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre.
Waxaa uu golaha shacabka ka tirsanaa tan iyo 2012, waxaa uu Wasiir ka soo noqday dowladdii Shariif Sheekh Axmed ee KMG aheyd. Allah u naxariitee, Eng.
Maxamed Maxamauud Boonow ka sokow siyaasadda waxaa uu ahaa ganacsade si weyn looga yaqaano degaanada Koofur Galbeed.