Dunida Muslimka ah oo maalintii 1aad laga soomayo.

Malaayiin Muslimiin ah ayay maanta u tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadan. Dalalka Turkiga, Albania, Bosnia , Kosovo, Macedonia iyo kuwo kale ayaa Arbacadi shalay ahayd laga soomay.

Hase yeeshee inta badan dunida Muslimka oo ay ku jiraan Soomaaliya, Sacuudiga, Qatar, Masar iyo dalal kale oo badan, waxay dowladuhu ku dhawaaqeen in Khamiista oo maanta ah ay si rasmi ah u billaaban doonto bisha Ramadan.

Aan kawada faa’iidaysano bilashada bisha Barkaysan ee Ramadaan oo dunida oo dhan laga sooman yahay maanta.