Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa mar kale ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay ugu horreyn shiraan si loo xaliyo khilaafka ka taagan doorashooyinka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa mar kale ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay ugu horreyn shiraan si loo xaliyo khilaafka ka taagan doorashooyinka.
War saxaafadeed ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in warbixin laga dhageystay Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan in ay muhiim tahay in doorasho loo dhan yahay ka dhacdo Soomaaliya “sida ugu dhakhsaha badan” taasna ay dan ugu jirto dhammaan Soomaalida.
Madaxda Soomaalida ayaa muddo dheer isku fahmi la’ hannaanka doorashada waqtigeeda ka dib dhacday, xilli beesha caalamkuna ay dadaal ugu jirto sidii dhinacyada kala aragtida duwan la isugu soo dhaweyn lahaa.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ku wada sugan dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo federaalka, inkastoo aan lagu guuleysanin in shirkii la filayay ay dhammaantood ka wada qeyb galaan.
Ilaa hadda Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo dhiggiisa Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaan ku biirin shirka ay ku wada sugnaayeen madaxda saddexda maamul ee kale iyo dowladda dhexe.

Marar badan ayay dowladda federaalku madaxda labada maamul ee shirka ka maqan ugu baaqday inay kusoo biiraan. War saxaafadeedkii ugu dambeeyayna waxay madaxtooyada Soomaaliya ku sheegtay in Deni iyo Axmed Madoobe looga codsanayo inay ka qeyb galaan shir weyne dhawaan looga hadli doono xaaladda doorashada.

Hase ahaatee, war saxaafadeed wadajir ah oo Puntland iyo Jubaland ay soo saareen ayay ku sheegeen in mas’uuliyiinta dowladda dhexe “ay xagal daacinayaan” shirkii loo ballan sanaa inuu ka qabsoomo magaalada Muqdisho.