Maxaa ka soo kordhay wada xaajoodka heshiis kordhinta ee Real Madrid iyo Sergio Ramos?

(Madrid) 01 Abriil 2021. Kabtanka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa ka hadlay waxa ka cusub wadahadalada lagu cusbooneysiinayo qandaraaska uu kula jiro Los Blancos.

Qandaraaska Sergio Ramos ee Real Madrid ayaa wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkaan, halka uusan weli wax heshiis ah la gaarin saraakiisha Los Blancos si loo cusbooneysiiyo qandaraaskiisa, waxaana jira warar badan oo muujinaya suurtogalnimada uu kaga dhaqaaqi karo Madrid.

Haddaba Sergio Ramos ayaa waxaa wax laga weydiiyay waxa ka cusub wadahadalada lagu cusbooneysiinayo qandaraaska uu kula jiro kooxda Real Madrid, xilli wareeysi siinayay telefishinka Spain, wuxuuna yiri:

“Markaan ka hadlayay arrimaha ku saabsan mustaqbalka, si cad ayaan u sheegay, mana jiraan wax cusub.”

Ciyaaryahanku wuxuu intaa ku daray inuu diirada saarayo xilligan kulammada soo socda, gaar ahaan maadaama ay kooxda qaadan doonto Isbuuca ugu muhiimsan ee xilli ciyaareedkan, isla markaana laga filayo inta lagu gudi jiro inay ka soo baxaan natiijooyin wanaagsan.

Kabtanka kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay:

“Waxaan diirada saarayaa inaan si fiican u ciyaaro oo aan aniga sameeyo qaabka ugu fiican.”

“Su’aasha ku saabsan mustaqbalka waa wax gooni ah, marka uu jiro war waan ku dhawaaqi doonaa, laakiin waqtigan la joogo waxba ma jiraan.”