Duulaankii Farmaajo iyo kooxdiisu xalay ku soo qaadeen xaafada Shiirkole wada hadal laguma dhamaynin ee tabar ayaa u deyrisay. Kuwa leh waanwaan iyo wadahadal ayaan wax ku dhamaynay waa koox Farmaajo u shaqaysa oo guushiina xaqiraya, goobayana ceebta Farmaajo xalay ku dhacday sidii ay uga mayri lahaayeen. Farmaajo isagaa laga waayay walaalow sharciga iyo dowladnimada dhowr, qabqabta iyo colaada aad hurinaysana jooji. Lkn waxaan cod dheer ugu sheegaynaa wixii aad ka hesho waxaba hanaga siinin.
Waxaan mahad-balaaran u jeedinayaa dadka aan matalno ee sida geesinimada iyo dhaqsiyaha badan u diyaar garoobay isagana caabiyay duulaankii Farmaajo iyo kooxdiisu ku soo qaadeen xalay. Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa saraakiisha ku dhiiraday in ay iska diidaan amaradii qaldanaa ee Farmaajo iyo Biixi doonayeen in ay ku dagaal geliyaan, dakano iyo magac xumo waligood dhacarsatana u soo jiidaan. Annagu cidna duulaan kuma nihin lkn nafteena, maalkeena iyo dadkeena inaan difaacano waa waajib diini iyo dastuuri ah, cidna looga heybeysan maayo inshaa’allah.
(وَلِلَّهِ الْعِزَّةُ وَلِرَسُولِهِ وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَلَٰكِنَّ الْمُنَافِقِينَ لَا يَعْلَمُونَ)
Howli hada ayay kow tahay ee hala diyaar garoobo. Waanan ka guuleysanaynaa cadowga dowlad iyo dimuquraadiyad diidka ah ee nagu dulhabsaday inshaa’allah!
Mahadsanidiin.
Hon. Mahad Salad