Guddiga doorashada Somalia oo lagu amray in soo xaroodaan.

Kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhawaaqay in  xubnaha guddiyada doorashooyinku soo xaroodaan ugu dambeyn Khamiista si loogu bilaabo tababar ku saabsan sidii ay u shaqeyn lahaayeen.

Guddoomiyaha  Kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdulqaadir Cilmi Cali ayaa sheegay in mudo todobaad ah uu Guddiyada tababarka u socon doono kadibna ay iska dhex dooran doonaan Guddoonkooda.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa ku daray guddoomiyaha in intaasi kadib ay guda geli doonaan howlhoda doorashooyinka, iyaga oo ka bilaabi doona degaannada dowlad Goboleedyada dalka kajira iyo Gobolka Banaadir si loo qabto doorasho loo dhan yahay.

Abuukaate Cumar Dhagey oo ka mid ah Xubnaha kooxda Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhankiisa sheegay in guddiyadaan ay yihiin kuwo madax banana oo sharci ahaan soo saari lahaa Xildhibannaada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya lana bari doono sida ay u Shaqeyn lahaayeen.

Xukuumadda uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa laga sugayaa qabashada doorasho loo dhan yahay oo dalka ka dhacda, waxaana maalmaha soo socda Magaalada muqdisho & Gobolada dalka ka bilaaban doona ololo doorasho oo ay sameeynayaan Musharixiinta Xildhibaannada labada Aqal iyo kuwa Madaxweynaha.