Ciidamada Booliiska ayaa xaafadaha Magaalada Muqdisho ka sameeyay howlgallo ay kusoo qabteen dad isticmaalayay walxaha maanka dooriya iyo kuwa iibiya sida ay sheegtay taliye ku xigeenka Booliiska Gen. Zakiya Xuseen.
Booliiska ayaa gacanta ku dhigay dadkaan oo wajahaya eedeyn la xiriirta in ay qayb ka yihiin amni darrada Magaalada Muqdisho si gaar ah dhaca loo geysto dadka shacabka ah oo cabashadooda u gudbiyay Hay’adaha ammaanka.
Qaarkood waxaa la qabtay iyaga oo wata Mootooyin, kuwo ayaa loogu tagay goobo ganacsi iyo Xaafado loo tilmaamay Ciidamada Booliiska sida Xaldoon ay u sheegeen saraakiil katirsan Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka.
Booliiska ayaa gudbinaya Maxkamadda Ciidamada qalabka sida maadaama qaarkood ay wateen hub si loo marsiiyo ciqaabka ka dhalata dambiyada ay ku eedeysan yihiin waxaana sii socda howlgallada laamaha ammaanka.
Muqdisho waxaa xaafadaha ku yaalla sandaqo lagu iibiyo walxaha maanka dooriya sida Xashiiska, Calaqa & walxo kale oo ay iibsadaan dadka isticmaala oo dhac u geysta dadka shacabka gaar ahaan Ardayda.