AMISOM iyo milatariga Soomaaliya dajiyay qorshe midaysan oo ay ku wajahayaan Al Shabaab.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee (AMISOM) iyo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee (SNA) ayaa Muqdisho ka furay Xarunta Isku-duwidda Hawlgallada Wadajirka ah (Joint Operations Coordination Centre JOCC)” si loo xoojiyo dadaallada socda ee lagu wiiqayo Al-Shabaab laguna dejinayo xasilinta Soomaaliya.

Xaruntan oo laga hirgaliyay waaxda AMISOM ee Xerada Xalane, ayaa si rasmi ah looga daahfuray xaflad ay ka qeyb galeen taliyaha guud ee ciidamada xoogga dalka, Gen. Odowaa Yuusuf Raage iyo taliye ku xigeenka ciidamada AMISOM ee qaabilsan howlgallada iyo qorshayaasha, Maj.Gen.William Kitsao Shume .

Xaruntan oo ay si wadajir ah u maamulaan saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa xogga dalka, ayaa sare u qaadi doonta “qorsheynta iyo isku dubaridka howlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab” sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay AMISOM.

Generaal Odowaa Yuusuf Raage,taliyaha milatariga Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya SNA iyo AMISOM si loo socodsiiyo hirgalinta howlgal wadajir ah oo ka dhan ah Al Shabaab.

“Guusha xarumahaan waxay ku xirnaan doontaa xiriirka labada xarumood ee SNA iyo AMISOM, iyo sida ay iskugu dubbaridaan u wakiilashada shaqada qeybaha, kuwaas oo markaa fuliya awaamiir kasta oo noocaas ah si loogu guuleysto fulinta iyo hirgelinta. Dhankeenna waxaan ku bixin doonaa dadaal badan si ay taasi u dhacdo”ayuu yiri Gen. Odowaa.

Gen. Odowaa ayaa sheegay in AMISOM iyo Ciidanka ay sameysteen xiriir shaqo oo wanaagsan sanadihii la soo dhaafay, isagoo xusay in waayo -aragnimada noocaas ah ee ay wadaagaan labada ciidan ay awood u siin doonto inay hagaajiyaan xarunta.

Maj. Gen. Don Nabasa, Taliyaha Qaybta 1aad ee AMISOM ayaa ku celceliyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo qorsheeyo, isagoo xusay in hirgelinta xaruntan iyo dhowr kale oo dalka oo dhan ah, ay gacan ka geysan doonto sidii wax looga qaban lahaa qaar ka mid ah caqabadaha ay la kulmaan labada ciidan.

“Si shaqo wax ku ool ah loo sameeyo hawlgal kasta, qorshayntu waa kan ugu muhiimsan. Sidaa darteed, waxaan rabaa inaan fursaddan uga faa’ideysto inaan uga mahadceliyo SNA iyo hoggaanka AMISOM hindisahaan cajiibka ah ee lagu abuurayo unugyada Isku -xirka Hawlgallada Wadajirka ah dhammaan qaybaha. Tani waxay hubaal noqon doontaa inay soo afjarto farqigii u dhexeeyey qorshaynta wadajirka ah, ”ayuu yiri Maj. Gen. Nabasa.

Ciidamada dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa ay dagaal adag kua jiraan Al-Shabaab, iyaga oo fuliya howlgallo Wadajir ah wallow sanadihii la soo dhaafay Ciidamada dowladda kaliya ay badi howlgallada fulinayeen.