Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo maanta dooranaya Senataro kale.

Baarlamaanka Dowlad Goboleedka HIr-Shabeelle ayaa Arbada maanta markale dooranaya qaybtii labaad ee Senatarada Aqalka Sare oo ay ku loolamayaan musharixiin ay kamid yihin Tarsan iyo Dufle.

Xildhibaannada waxaa lagu wargeliyay in waqti hore ay tagaan xaruntooda si doorashada ay u bilaabato si aanay u gaarin xiligii xalay oo kale sida uu sheegay Guddiga hirgelinta doorashooyinka Hir-Shabeelle iyo Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan Doorashadaas.

Shalay waxaa Magaalada Jowhar lagu doortay Saddex Sanoter oo kala ah, Muuse Suudi Yalaxoow, Fartuun Cabduqaadir Karaama iyo Nuur Maxamed Geeedi (Canjeex).

Maanta ayaa waxaa la filayaa in sidoo kale la doortay Saddex Sanoter, si Maalinta Berito ah loo soo geba-gabeeyay doorashada Aqalka Sare ee degaannada Hir-Shabeelle, waxaana musharixiinta Maanta ku tartami doona Saddex kursi ay kala yihiin.

Waxaa Maanta Markale Xildhibaanada Hirshabeelle Dooran doonaan ilaa Sadex kursi waxaana ku tartami doonna.

Kursiga 1-aad:

1:Musharax Xasan Iidow Muxumed

2:Musharax Cabdinuur Ibraahim nuur

3 :Musharax Cismaan Axmed Macow

Kursiga 2-aad:

1:Musharax Cismaan Maxamuud Dufle

2:Musharax Maxamuud  Axmed Nuur tarsan

3: Musharax Raage Xasan Xuute

Kursiga 3-aad:

1: Musharax Cali Shacbaan Ibraahim

2: Musharax Caballe Xuseen Cabdi

3: Musharax Caasho Xuseen Abuukar

4: Musharax Cabdulahi tawaad

5: Musharax Cabdiqaadir Xanafi

Su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah, yaa ku guuleysan doonna kuraasta Aqalka sare ee maanta doorashadoodu lagu qabanayo Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.