Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo maanta kala xulanaya Senatarada ay u codeynayaan.

Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa Isniinta Maanta fadhi ay ku leeyihiin Xaruntooda Jowhar waxa ay ku dhageysanayaan khudbadaha Musharixiinta u tartameysa kuraasta 8-da ah ee maamulkaas kusoo aaday.

Waxaa tartamaya musharixiin gaaraya 27-ruux oo qaarkood ka socda Villa Somalia, Mucaaradka iyo kuwo uu ku dhex darsaday Cali Guudlaawe Xuseen si uu isaga dhigo shaqsi u dhaxeeya Madaxtooyada iyo isbadal doonka.

Kuraasta qaar waxaa ku tartamaya 5-musharax, halka qaar kale ay ku loolamayaan 4 ilaa iyo sadddex kale, marka laga tago labo kursi oo midkood uu dhexyaallo labo gabdhood iyo mid kale ay ku loolamaayan Maxamed Cismaan Dhega-juun & Nuur Maxamed Geedi Canjeex.

Baarlamaanka oo kala xulashadooda Musharixiinta Aqalka Sare ka dhex eeganaya Hadal jeedintooda, inkastoo lacago badan xalay ay bixiyeen musharixiinta si ay ugu kala guuleystaan kuraasta.

No photo description available.

May be an image of ‎text that says '‎HIRGELINTA DOORASHOOYINKADOWLAD GOBOLEEDKAHIRSHABELLE SEIT 2020 2021 الاقليمية سبليد الاباه #20 Maxamed Axmed Nuur Tarsan) Raage Xasan cusmaan (Xuuti) Dr. Cusmaan Maxamuud Maxamed (Dufie) #10 Prof. Maxamed Cusmaan Dhega-Juun Nuur Maxamed Geedi (Canjeex) #14 1. Call Shacbaan Ibraahim C/Qaadir Xanafi Sheekh Bashiir Cabdullahi Axmed Tawaad Caasho Xuseen Abuukar Cabdalle Cabdi F) UH Xasan Iidow Muxumed Kobac 2. Cusmaan Axmed Macow 3. Cabdinuur Ibraahim Nuur G) #09 Fartuun C/Qaadir Faarah Karaama 2. Sacdiya Yarrow Aadan H) UH #08 Naciimo Ibraahim Yuusuf Zamzam Cabdullahi Xuseen Maxamed Macallin Xasan Kulmiye Abuukar Xasan Call M”ny) AXMED XASAN DIINI Mahadsanidiin Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Hirshabelle 0-852418382541‎'‎

 

Axmed Xasan Diini Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee DG Hir-Shabeelle ayaa Musharixiinta ka dalbaday in ay ilaaliyaan waqtiga loo ballamiyay in ay hortagaan Baarlamaanka si khudbadaha xiligooda ay u qaataan.

Hir-Shabeelle waa Dowlad-Goboleedkii ugu horreeyay ee diiwaangeliyay musharixiintii ugu badneed ee u tartanka kuraasta Aqalka Sare BFS, Madaxweyne Cali Guudlaawe oo xubnahaan soo gudbiyay ayaa ku tilmaamay in guud ahaan loo siman yahay tartanka oo ah mid furan.