Cali Yare ma leeyahay awood uu ku hor istaago amarka Wasiirka Amniga XFS?

Guddoomiye ku xigeenka Amniga Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa si cad uga hor yimid amar kasoo baxay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ah in Ehelka Ikraan Tahliil ay Wasaaraddu u fasaxday dibadbax cabasho ah in ay ku dhigtaan Caasimadda.

Cali Yare ayaa si cad u sheegay in aanay fasax loo bixin Karin dibadbax ehelka Ikraan Tahliil si ay usoo bandhigaan welwelka ay ka qabaan Inantooda oo maqan tan iyo 26-kii June 2021 oo lagu waayay gacanta Hay’addii ay katirsaneed ee NISA.

Cali Cabdi Wardheere Waxa uu kamid yahay xubnaha sida dhaw u difaaca Villa Somalia, dhowr jeer waxa uu faraha la galay kiisas ka weyn oo qayb ahaan aan mas’uuliyadda Amniga Gobolka Banaadir hoos imaan.

Waxa uu kamid ahaa shaqsiyaadkii taageerada xad-dhaafka ah geliyay muddo kororsigii dhicisoobay ee Golaha Shacabka uu u sameeyay Madaxtooyada Soomaaliya balse dagaal ay kala hortagaan dhinacyadii kahor yimid ee la magac baxay Badbaado qaran.

Cali Yare ayaa dafiray xilka Wasiirka Amniga Soomaaliya, waxaana uu sheegay in uusan awood u lahayn in uu fasaxo dibadbax sida uu ku sheegay hadalka uu siiyay Warbaahinta.

Villa Somalia oo damacsan in la baabi’iyo kiiska Ikraan Tahliil ama ugu yaraan lagu xaliyo meel ka baxsan Maxkamad ayaa dedjisay qorshooyin badan oo ay ku burburineyso tallaabo weliba oo horusocod ah oo loo qaado Dacwadda loo gudbiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qalabka sida.

Awood ma u leeyahay Wasiirka Amniga in uu fasaxo dibadbax?

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa awood u leh in uu fasaxo ama diido dibadbaxa maadaama uu mas’uul ka yahay howlaha nabadgalyada.

Febaraayo 2021, dibadbaxyadii ka dhanka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa si cad u diidanaa Wasiirkii Amniga Xiligaas Xasan Xundubey Jimcaalo oo ku doodayay in awoodda fasaxa iyo diidmada dibadbaxa uu leeyahay.

Arrintaan ayaa sii cakireysa khilaafka xooggan ee u dhaxeeya Madaxweynaha waqti xilheynta 4-ta sanno ah ka dhammaatay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.